Falastiin oo fariin geesinimo leh uga hortagtay wafdi ka socda Trump oo ku wajahan Qudus

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Xukumada Falastiin ayaa waxaa lagu sheegay inaanu magaalada Qudus kasoo caga dhigan doonin diyaarad sida wafdi ka socda dowlada Mareykanka.

Xukuumada Falastiin ayaa sheegtay inaysan weli ka jawaab celin dalab kaga imaaday dowlada Mareykanka oo muujinaaya in wafdi ka socda Mareykanka ay booqan doonaan magaalada Qudus.

Qoraalka Xukuumada ayaa waxaa lagu sheegay in Falastiin aysan deegaanadooda kusoo dhaweyn doonin wafdiga uu hogaamin doono Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence oo la sheegay in dhamaadka bishan ku wajahan yahay bariga dhexe.

Nuqul kamid ah qoraalka xukuumada Falastiin ayaa waxaa kamid ahaa ‘’Ma dhici doonto in xukuumada iyo shacabka Falastiin ay deegaanadooda kusoo dhaweeyan Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence’’

Sidoo kale, Mas’uul ka tirsan Xafiiska Donald Trump ayaa sheegay in Mike Pence ay ka go’an tahay in magaalada Qudus uu kula kulmo Madaxda ugu sareysa Falastiin oo uu horboodayo Cabbaas, waxa uuna mas’uulkaas ka digay baajinta kulanka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxda Falastiniyiinta ayaa aad uga carootay go’aankii ka soo yeeray Donald Trump ee magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israel, waxa ayna fal celinta Falastiin noqoneysaa mid ololisa deegaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com