Dagaal khasaare gaystay oo maalintii seddexaad ka socda Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta ayaa maanta weerar waxa ay ku qaadeen ciidan la sheegay inay ka tirsan yihiin Militariga Somaliya, kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay Isgoyska Tarabuunka ka waday falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Ciidankaan Militariga ka tirsan ayaa waxa ay wadeen muran ku saabsan dhul la isku haystay Nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka, kaasi oo soo bilowday todobaadkii la soo dhaafay murankiisa.

Saraakiisha Hay’addaha ammaanka ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto ciidamada Miitariga ka tirsan ee hubka haysta kuna sugan nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka, taasi oo keentay in ugu dambeyn maanta weerar lagu qaado.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay  iska hor imaadka maanta ka dhacay Isgoyska Tarabuunka nawaaxigiisa, inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray ciidamada xasilinta, kuwa Militariga iyo dad shacab ah.

Hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Militariga, ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi, waxaa kale oo dagaalka ku dhintay haweenay la sheegay inay ka mid aheyd dadkii ka agdhawaa goobta.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa rasaastii labada dhinac ay iswaydaarsanayeen inuu ka dhashay khasaare dhaawacyo ah oo ciidamada soo gaaray.

Ciidamada xasilinta ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho ayaa ammaan ka dhigay magaalada, kadib hawlgalo hub aruurin iyo bartilmaameed shaqsiyaad amnidaro waday oo Magaalada laga sameyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com