Dokumenti muujiya xeelad cajiib ah oo mushaharka ciidamada DF lagu xado

Muqdisho (Caasimada Online) –  Warbixinta Kooxda QM ee la socodka xayiradda hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in musuq-maasuq xooggan lagu sameeyo mushaharka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Warbixinta kooxdan ayaa sheegtay in toddobadii bisha August 2018, ay aragtay dokumentiyo muujinaya in saxiixa ciidamada la been abuuro, si loo muujiyo inay mushaharkooda qaateen, balse xaqiiqda aysan sidaas ahayn.

Warbixinta ayaa sheegtay in dadka mushaarka bixiya ama madaxda ciidanka ay inta badan ayaga saxiixaan waraaqo been abuur ah, oo lagu muujinayo in ciidamada mushaarkooda la siiyey.

“Dokumentiyada qaar ayaa muujinaya faraha hal qof oo la dhinac dhigay dhammaan magacyada askarta, halka qaarna ay muujinya saxiixa hal qof oo la dhinac dhigaya magacyo badan, si looga dhigo dhowr qof oo kala duwan” ayaa lagu yiri warbixinta kooxda QM.

Sida warbixinta ay sheegtay, dukumentiyada ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay musuq-maasuqa mushaharka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Kooxda QM ayaa dhinaca sheegtay inay hayso caddeymo badan oo muujinaya in qaar badan oo ka mid ah ciidamada aysan helin wax mushaar ah, islamarkaana tirada ciidanka laga badiyo inta ay yihiin dhab ahaan, si lacag badan looga soo qaado bankiga mushahar ahaan, kadibna loo xado.

Hoos ka arag dokumentiyada