Donald Trump oo durba ku faanay sida fudud ee uu magac ku yeeshay bin Salman (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ku faanay in Madaxweyne Donald Trump uu guul ka gaaray maqaam gaarsiinta dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Mohammed bin Salman.

Madaxda haysa xogta Aqalka Cad, ayaa arrintaan ku bayaaniyay buug cusub oo ku salaysan wareysiyada kaa oo cinwaankiisu yahay Fire and Fury.

Michael Wolff ayaa jimcihii sheegay in buugiisa uu ku saleysan yahay in ka badan laba boqol oo wareysi oo lala yeeshay Trump iyo kuwa isaga aadka ugu dhaw.

Magaca iyo rajada Mohammed bin Salman, ayaa la sheegay in abuurideeda uu lahaa Donald Trump oo wakhti badan siiyay.

Donald Trump, ayaa ku faanay xitaa inuu lahaa talaabada Boqorka Sacuudiga uu jagada uga tuuray ninka  dhaxalka u lahaa boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Nayef oo uu adeer u yahay  isla markaana ka dhigay wiilkiisa 31 jirka ah, Mohammed bin Salman, amiirka dhaxal sugaha bishii June 2017.

Buuga Fire and Fury ayaa lagu sheegay in Donald Trump uu aad u rumeysan yahay dhaxal sugaha dalka Sacuudiga, iyadoo sababta lagu sheegay inuu ka dhexeeyo xiriir damac ku saleysan Siyaasada iyo adduunyo cusub.

Sidoo kale, Mohammed bin Salman iyo Trump ayaa waxaa u sabab ah wiilka soddoga u yahay Trump ahna la taliyahiisa, Jared Kushner. Iyada oo sara kaca iyo quwada uu yeeshay bin Salman inuu ku guulasto xilka dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudiga ay noqotay arin lama filaan ah, waxaana ay badashay  caadada  lagu yiqiinay qoyska boqortooyada Sacuudiga.

Si kastaba ha ahaatee, Michael Wolff ayaa mugdi galiyay kobaca ku imaankara xiriirka ka dhexeeya Trump, bin Salman iyo wiilka uu sodoga u yahay Trump ee lagu magacaabo Jared Kushner.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com