Xog iyo Gorfeyn: Maxay ku kala sareeyan dowladaha Turkiga & Masar?

Muqdisho (Caasimada Online)-Dawladaha dunidu waxey ku kala sareeyaan saameynta; siyaasadeed, dhaqaale, aqooneed, ciidan iyo hogaamineed. Waxaana loo kala qeybiyaa;

A-Dawlad-daleed; waa dawlada saameynteedu ku koobantahay dalkeeda kaliya sida; inta badan dawladaha xubnaha ka ah UN.

B-Dawlad-gabaleed; waa dawlad saameyn ku leh dawladaha Gobalkeeda ama kuwa ay diin iyo dano wadaag yihiin sida; Masar, Turkey, Saudi Arabia, Nigeria, Iiran, South Afica iwm.

C-Dawlad-duniyeed; waa dawladaha saameynta ku leh dawladaha dunida oo dhan ama badankood sida; dawladaha xubnaha joogtada ka ah Golaha Amaanka, Jarmal, Japan iwm.

Masar iyo Turkey waa laba dawlad-gobaleed oo Magac iyo Taariikh dheer ku leh dunida iyo dawladaha Islaamka, waxeyna leeyihiin dadka ugu aqoonta iyo ilbax-nimada badan dunida, waxey saameyn muuqata iyo mid qasoon ku lahaan jireen wadamada Islaamka gaar ahaan wadamada Carabta iyo difaaca Muqadaaska Islaamka, waxaana mar kasta ka dhaxeeyey xafiiltan iyo tartan.

Balse maanta waxaa kala reebay Hogaanka iyo Waqtiga, waxaana cad in dawkaduhu aysan ku kala hor marin; dad, dhaqaale iyo ciidan badan, lkn ay ku kala hormaraan; Hogaan, Maamul hufan, Xorriyad, Dimoqoraadiyad iyo wada lahaansho dawladeed.

Masar iyo Turkey hadii aan Tusaale usoo qaadano waxaa soo baxeysa jawaabtan;

1-Masar Sh. Kishki AUN ayaa ku tilmaamay “Halkaan ayaa laga dhoofiyaa sharta iyo khayrka labadaba” Masar waxey bartay dunida Carabta iyo Africa Inqilaabaadka Ciidanka 1950 ilaa 2000, Boqortooyo iyo adoonsi Fircoon ilaa Faaruuq, Xabsi iyo Daldalaat ilaa Qur’aanku uu isku xiro Masar iyo Xabsi inta jeer oo ay Qur’aanka kusoo aroortay kalimada “Sijni” oo ah Xabsi, waxaana lagu tilmaamaa halka aduunka ugu Xabsi iyo Daldalaat badan gaar ahaan; Culimada, Aqoon-yahanka, Siyaasiyiinta iyo Mufakiriinta. Waxaana la dhihi karaa waxaa facood ka reebay Inqilaabyo Ciidan iyo Xorriyad la’aan; Jamaal ilaa SiiSii.

Dhanka saameynta Gobalka waxey kala marayaan Masar iyo Turkey:

A-Masar: Somaliya xilligii M. Jamaal Cabdinasir iyo M. Saadaad waxey aheed dawlada koowaad ee Siyaasada, Amniga, Aqoonta iyo Istaraatiijiyada Masar ugu horeysa, lkn xilligii M. Xusni Mubaarak gacanta ayuu ka taagay markii uu u dhaafay Ethopia, uuna yiri “waa fahamsanahay sababta ay Ethopia u gashay Somaliya 2006, amnigeeda ayey ilaashaneysaa” iyo 2011 markii Turkey kasoo gurmatay xuduuda Yurub iyo Asia Masarna ku mashquulsaneed kacdoonkii Carabta iyo Sarkaal ka qaad ee Sarkaak u dhiib! Suuriya iyo Yemen oo Jamaal Cabdinasir xukumijiray oo maanta waxba aan laga weydiinayn Masar! Qatar oo sanadkii hore markii ay ka baqday in Masar iyo Saudi Inqilaabaan u yeeratay Turkey, Saldhigna siisay si ay u difaacdo! Sudan oo Amniga Masar ku xiranyahay markii ay baqday waxey u yeeratay Turkey oo ay siisay Saldhig Ciidan! Liibiya oo ku jirta Caloosha Masar oo ay taladeeda u dhaaftay Imaaraat iyo reer Galbeed! Falastiin iyo Qudus oo markii ay khatar galeen kana quusteen Masar iyo dawrkeedii Carabta u carareen Turkey! Ciraaq iyo Libnan oo hoos galay Iiran! Urdun oo markii ay u dhaarteen Israel iyo Americo u carartay Turkey! Kadibna waxaa soo baxday markii Carabta iyo Masaajida barakeysan khatar galeen; “Buur ahaw ama Buur ku tiirsanaw” ayaa Turkey soo celiyey Saldhigyadii laga difaaci jiray Xarameynka Qarni ka hor ee SAWAKIN & ZAYLAC.

B-Turkey mudo ku dhaw hal Qarni ayey dib u dhaceen Inqilaabyo iyo xukun Ciidab. 20 sano ka hor ayey ka caafimaadeen Inqilaab iyo xukun Ciidan iyaga oo xilligaas gaaray dadka ugu liita aduunka xaga nolosha, xorriyada iyo saameynta Gobalka, Yurubna ka faanto, dawladaha Islaamkuna ku faraxsanyihiin in ay iska xureeyeen Boqortooyadii Turkey, dadkoodii aqoonta lahaana u kala Qaxeen Bari iyo Galbeed, ayuu yimid Xizbiga AK Party, maantana waxey marayaan heer ay ka faanaan Yurub iyo ku biiristeeda, heer ay ka mid noqdaan 20 ka dal ee aduunka ugu dhaqaala iyo ciidamada badan uguna saameynta badan dunida Islaamka iyo Carabta, heer ay u gurmadaan Al-Aqsaa iyo Muslimiinta Ruhinga, dadkooduna diiday in ay ku laabtaan Inqilaab Ciidan danbe sida ay u diideen in ay caloosha hooyadood ku laabtaan lkn Masar waxey aqbaleen in ay Inqilaab dib ugu laabtaan sanad Xorriyad iyo Doosha ah kadib.

Hadaba Masar iyo Turkey kuma kala sara marin Batrool, Khayraat dhul, Aqoon, Ciidan, Ilbaxnimo, dhul weyn iyo dad badan! Kaliya waxaa lagu kala hormaray; Xurriyad, Hogaamin, Maamul hufan, Dimoqoraadiyad, Qab iyo Himilo.

W/Q. Maxamed Gacal (Dr Gacal)

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com