‘’Been ayay u cuskadeen xil ka qaadisteyda anigu Imaaraad xiriir lama laheyn’’ waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online)-Xeer-ilaaliye ku-xigeenkii hore ee Somalia Axmed Cali Abuukar oo wareysi gaara siinaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho, ayaa si kulul u beeniyay wararka sheegaya inuu xiriir la leeyahay dowlada Imaaraadka.

Xeer-ilaaliye ku-xigeenkii hore ayaa sheegay in sababta xil ka qaadistiisa ay tahay mid khuseysa arrimo kale, balse shaqsi ahaantiisa uu xaqiijinaayo inaanu xiriir la laheyn dowlada Imaaraadka.

Waxa uu Xeer-ilaaliye ku-xigeenkii hore sheegay in la doonaayay in xil ka qaadistiisa loo sameeyo marmarsiyo, sidaa aawgeedna loo cuskaday inuu xiriir la leeyahay Imaaraadka.

Waxa uu qiray inuu dareemaayo in dowlada Imaaraadka ay qalqal Siyaasadeed ku heyso Somalia, hase ahaatee aanu jirin warka laga faafiyay.

Waxa uu intaa raaciyay in uusan waligiis xirii la yeelan Imaaraad isla markaana uusan ku fakerin inuu la sameeyo xiriir, dhankey doontaba ha ahaatee.

Haddalka Xeer-ilaaliye ku-xigeenkii hore ayaa imaanaya xil la sheegay in xil ka qaadistiisa loo cuskaday qodobo dhowr ah oo ka hor imaanaya howlaha uu u hayay Qaranka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com