RW Kheyre oo hal arrin ku dhaliilay Ganacsatada Soomaalida (Maxay tahay)

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay gaabiska ay Ganacsatada Soomaalida ka muujinayaan ka qeybqaadashada dhismaha dalka iyo garabsiinta dowlada Somalia.

Kheyre ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan dhismaha dalka iyo jiheynta Dowladda Federaalka.

Ra’isul wasaare Khayre ayaa Ganacsatada u sheegay in ay awood u leeyihiin dib usoo celinta quruxda dalka iyo inay jiheeyaan dowlada Somalia.

Waxa uu sheegay in awooda Ganacsatada ay tahay in Wasiirada ay u sheegaan meelaha ay qaladaadka ka jiraan, hadii arrimahaasi ay isku fahmi waayaana ay awood u leeyihiin inay ugu imaadan Xafiiskiisa.

Kheyre waxa uu tilmaamay inay doonayaan in wada shaqeyn ay la sameeyan Ganacsatada taa oo uu sheegay inuu ula gol leeyahay horumarin iyo is kaashi ku dhismaa Qaran cusub.

Sidoo kale Kheyre ayaa ku baaqay in si wadajir ah loola dagaalamo muuqaalka xun iyo Musuq Maasuqa, in la dhiso Wasaaradda Maaliyadda iyo in la keeno xal lagu xaliyo Deynta lagu leeyahay Dowladda Federaalka.

Haddalka Kheyre ayaa imaanaya xili Wasaaradda Maaliyadda ayaa todobaadkan soo bandhigtay wax-qabadkeedii sanadlaha ahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com