Sawirro: Sidee muqdisho loogu soo dhaweeyay Wasiirka magacaaban ee arrimaha Gudaha

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa manta magaalada Muqdisho soo gaaray Wasiirka cusub ee Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Wasiirka ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeybqaatay mas’uuliyiin isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Siyaasiyiin madax-banaan.

Mas’uuliyiinta Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wasiirka ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cusmaan, Wasiirka Isgaarsiinta Cabdi Cashur, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqidsho Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno kale.

Mas’uuliyiinta iyo Siyaasiyiinta soo dhaweynta ayaa kulan wada jira la qaatay Wasiir Sabriye oo ay kala hadleen howlaha Wasaaradiisa iyo arrimo kale oo khuseeya dalka.

Mas’uuliyiintaan ayaa Wasiirka alle uga baryey in uu la garab galo xilkaasi loo dhiibay, iyagoo shacabka ugu baaqey in ay la shaqeeyaan Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha.

Wasiirka magacaaban ee arrimaha gudaha Sabriye ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyey, wuxuuna ka codsaday bulshada Soomaaliyeed in ay ka caawiyaan sidii uu ugudan lahaa waajibaadka loo igmaday.