Wasaaradda maaliyadda oo xayirtay 500 oo haween ah oo ka ganacsada Dahabka jajabka ah

Muqdisho (Caasimadda Online) – Mudo labo bilood ah ayey baaga muudo yihiin haweenka Muqdisho ku nool ee ka ganacsadda Dahabka Jajabka ah, kadib markii ay canshuur xad-dhaaf dul dhigtay wasaaradda maaliyadda ee Somalia.

Ilaa 500 haween ah ayaa howl gab noqday markii ay wasaaraddu sheegtay iney $1.7 dollar ku canshuureyso 1-kii garaan oo dahabkas ah  dhoofin iyo soo dajinba, haweenkan ayaa qaadi jiray Dahabka jajabka ah kadibna geeyn jiray Dubai kadibna isagoo hagaagsan kusoo celin jiray Muqdisho si ay u iibiyaan.

Haweenkaan waxey sheegeen in faa’iido ahaan ka raadiyaan 1kii garaan $0.5, waxey xisaab caqli ka fog ku tilmaameen qarashka ay dul dhigtay wasaaradda Maaliyadda iyo heerka uu gaarsiisan yahay macaashka ay ka raadiyaan, waxey sheegeen in qofkoodna uusan safrin tan iyo markii uu amarkani soo baxay.

Dumarkaan ayaa cabashadooda gaarsiiyay gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed waxeyna ka codsadeen in arintooda la xaliyo, qaar dumarkaa ka mid ah ayaa sheegay iney caruur agoon ah ku koriyaan shaqadaan, duqa Muqdisho ayaa u balan qaaday inuu cabashadooda wax ka qaban doono, uuna xooga saari doono in la dhiiri galiyo ganacsiga.

Waxey ku doodeen in canshuurtan xad-dhaafka ah aysan la wadaagin dumarka Dahabka Jajabka ah kasoo qaada magaalooyinka kale ee Somalia sidda Boosaaso, Kismaayo, Gaalkacyo, Hargeysa iyo Garoowe.

Markii la dhoofiyaano Dahabka Jajabka ah waxaa 1kg (hal-kiilo) la dul dhigay $700 (todobo boqol oo dolar ) taas oo u dhiganta halkii garaan $0.70, markii lasoo dajinaayo waxaa canshuur ahaan la dul dhigay 1kg (hal-kiilo) $1000 (kun dollar) oo la micno ah halkii garaan $1 , sidda lagu sheegay amar kasoo baxay wasaaradda Maaliyadda, waxaa hoos ka arki karta warqad uu go’aankan ku xoojinaayo agaasimaha waaxdda furdooyinka ee wasaaradda maaliyadda mudane Leyloon.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa 2 cisho ka hor qabatay xaflad ay kusoo bandhigtay waxqabadkeeda xili ay 500 oo haween ah ganacsigoodii hakad galiyeen taas oo u dhiganta iney 500 oo qoys dabka ka damiyeen mudo 2 bilood ah.

Dumarkaan ayaa sidoo kale sheegay in markii ay Dubai geenayaan lagu canshuuro $10 (toban dollar) dhamaan Dahabka ay wataan xitaa hadii uu 100 kiilo yahay taas oo kuu muujineysa heerka ay Emirate-ku ka gaareen dhiiri galinta ganacsiga.

Waxey ka codsadeen madaxda sare ee Dowladda Somalia iney u naxaan bulshadda caasimadda ku nool oo marki horaba dhiibatooyin badan qabay.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com