Qarax ka dhacay Garoonka diyaaradah Buulo Burde & Ciidamo ka tirsan Jabuuti oo waxyeelo ay soo gaartay

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax aad u xoogan uu ka dhacay Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa inuu geystay Khasaaro kala duwan waxa uuna si gaara uga dhex dhacay Gudaha Garoonka Degmada Buulo Burde, sida aan xogta ku helnay.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Qaraxa uu ahaa mid lagu aasay Garoonka diyaaradaha degmada Buulo Burde, waxana goobjoogayaal ay sheegeen in uu ku geeriyooday mid ka mid ah ciidamada AMISOM qeybta Jabuuti.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay laba ka mid ah askarta dowlada, waxaana jira burbur soo gaaray gaadiid ay lahaayen ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.

Garoonka uu ka dhacay Qaraxa ayaa waxaa si wada jira uga howlgala Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM,waxaana haatan la soo sheegayaa in Ciidamadii ku dhaawacmay qaraxaas la geeyay isbitaal ku yaalla Gudaha degmada Buulo Burde.

Sidoo kale, Ciidamadan Qaraxa lala beegsaday ayaa waxa ay qeyb ka yihiin Ciidamo cusub, iyaga oo bedelay Ciidamo laba sano halkaasi ka howlgalayay, kuwaasi oo waqtiga uu ka dhammaaday.

Dhinaca kale, Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ee degmada Buulaburde ayaa bilaabay Howlgallo amni xaqiijin ah iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii ka dambeeyay Qaraxan Ciidamada lala eegtay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com