Maxaa kusoo kordhay Socdaalka Farmaajo uu ku gaari lahaa Magaalada Garoowe ee Puntland

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku guda jira qabanqaabadii ugu danbeysay ee uu ugu socdaali lahaa tirro Gobolo ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa socdaalkiisa ku hormarin doona Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland oo ay ka socto diyaar garowgii lagu soo dhaweyn lahaa Madaxweynaha.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa qeyb ka noqon doona Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil iyo Siyaasiyiin ka tirsan dowlada.

Waxaa Madaxweyne Farmaajo magaalada Garoowe uga sii horeeya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada kuwaa oo usii gogol xaaraya booqashada Madaxweynaha.

Sidoo kale, qorshaha socdaalka Farmaajo ee magaalada Garoowey ayaa ah maalinimada Axada ee fooda nagu soo heysa, waxaana aad loo adkeeyay amniga guud ee Garoowe iyadoo Puntland ciidamo dheeraad ah banaanka usoo saartay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa socdaalkiisa Garoowe kadib soo mari doono deegaanada Galmudug iyo meelaha ay joogaan Maamulkii Ahlu-Suna ee markii danbe ku biiray Galmudug.

Dhinaca kale, waxyaabaha uu Farmaajo kala hadli doono Puntland ayaa waxaa kamid ah xiisada Siyaasadeed ee Ra’isul wasaarihii hore Somalia Cumar C/rashiid u abuuraayo dowlada Somali.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com