Wasiirka cusub ee arrimaha Gudaha XFS oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho soo gaaray Wasiirka cusub ee maalinimadii shalay loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Wasiirka ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka tirsan Dowlada Federaalka.

Wasiirkan cusub ayaa waxaa horyaal howlo adag oo la doonayo inuu wax ka qabto, kolka uu xilka kala wareego Wasiir hore Juxa.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa rumeysan in Wasiirka cusub uu la imaan doono isbedel dhan waliba ah, haba ugu badnaadeen culeysyada kaga imaanaya dhanka siyaasiyiinta Mucaaradka.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa la filayaa in xilkiisa uu kula wareego sida ugu dhaqsiyaha badan, maadaama Wasaarada arrimaha gudaha ay heyso howlbadan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com