RW Kheyre oo hal arrin ku amaanay ciidamada Booliska Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Khayre ayaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku amaanay inay la dhaqankooda Bulshada.

Kheyre ayaa sheegay inuu kawar qabo dhammaan ciidamada iyo hababka ay ula dhaqmaan dadka shacabka ah, waxa uuna cod dheer ku sheegay in amaan gaara uu u jeedinaayo ciidamada Booliska.

Waxa uu Kheyre tilmaamay in habdhaqanka ciidamada Booliska uu waxbadan ka wareystay dad shacab ah, hase ahaatee ay aad u amaaneen qaabka ay ula dhaqmaan, sida uu sheegay.

Kheyre waxa uu sidoo kale ciidamada harsan ee ka tirsan Booliska ugu baaqay inay ku daydaan kuwa wanaagsan ee ilaaliya dadka shacabka ah, waxa uuna cadeeyay in la dhaqanka shacabka ay tusaale u noqon karto howsha uu askariga u hayo shacabka.

Wuxuu sheegay dalkan inuu baabi’iyay qabyaalad iyo dad wata dano gaar ah, si looga xoroobana ay tahay in Ciidamada ay ka fogaadaan cadaalad darada, nin jecleysi iyo musuq maasuq.

Sidoo kale, Kheyre ayaa dadka shacabka ah ku baraarujiyay inay soo dhaweystaan ciidamada oo uu sheegay inay u taagan yihiin difaacooda.

Si kastaba ha ahaatee, Kheyre ayaa hadalkaan sheegay xilli uu ka qayb galay munaasabad loo sameeyay dufcad ka mid ah ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhameysatay tababar.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com