Donald Trump oo ku biiraya dhex dhexaadinta dowlada Qadar iyo xulafada Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu rabo in uu dhexdhexaadiyo mashaakilka ka dhex aloosan dawladda Qadar iyo dalalka ay dariska yihiin ee Carbeed.

Xulafo uu Sacuudigu hogaaminayo ayaa xiriirkii u jaray Qadar bishii Juunyo.

Dalalkaasi waxay sheegeen in ay arrintaas u cuskadeen in Qadar ay taageerto kooxaha argagixisada ah, dawladda Qadar ayaase si wayn u beenisay eedaymahaas, taas baddalkeedana waxay ku dooday in ay door muhiim ka ah ka ciyaarto la dagaalanka argagixisada.

Trump ayaa sheegay in uu u arkay in haddii uu gacan ku yeesho “ay durba heshiin lahaayeen” dalalkan Carbeed.

Hadalkaas ayuu madaxweynuhu ka sheegay shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen isaga iyo boqorka Kuwayd, Sheekh Sabaax al- Axmed al-Jaabir al-Sabax oo sheegay in uu rajo wayn ka qabo in Maraykanku uu gacan ka gaysan doono xallinta khilaafkan soo kala dhexgalay dalalkan Carbeed ee Khaliijka.

BBC