Akhriso: Ajandaha looga doodaayo kulanka Golaha Shacabka ee Sabtida oo la go’aamiyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka kaa oo lagu go’aamiyay qorshaha dib u bilaabista kulamada baarlamaanka.

Guddiga ayaa sheegay in kulamada ay ku imaaden hakat kadib markii lagu kala mashquulay gudashada waajibaadka xajka oo iminka soo idlaaday.

Guddiga waxa ay isla soo hadalqaaden hanaanka lagu kala qaadayo ajandooyinka, waxa ayna isla eegeen in ajandaha ugu horeeya ee maalinta Sabtida ay xildhibaanada baarlamaanka ka doodi doonaan uu noqdo arrimaha la xiriira Cabdikariin Qalbi Dhagax.

Guddiga waxa uu bidhaamiyay in arrinta Qalbi Dhagax ay noqon doonto mid wakhti badan qaadata maadaama ay sii kordhayaan qeylo dhaanka kasoo baxaaya u gacan galintiisa dowlada Ethiopia.

Guddiga ayaa sheegay inay muhiim tahay in xal loo helo doodaha ka dhex jira dowlada ee la doonaayo in meel loo rido maadaama arrimahaasi ay khuseeyso baarlamanka.

Sidoo kale, Guddiga ayaa isla gartay in XFS laga talo galiyo Hindise sharciyeedyo dhowr ah oo ay dhowaan Golaha Shacabka usoo gudbiyeen.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili Xildhibaanada BFS ay aad ugu kala aragti duwan yihiin arrinta Qalbi Dhagax.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com