Sawiro: Madaxweyne Erdogan oo Wafdi caalami ah u diray halka Muslimiinta Rohingya ku dhibaateysan yihiin

Ankara (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta gaaray dalka Bangladesh gaar ahaan goobta ay ku dhibaateysan Muslimiinta Rohingya Wafi Ballaaran oo ka socda dowladda Turkiga.

Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga iyo sidoo kale Xaaska Madaxweyne Rajab Dayib Ordagan.

Ujeedka ay halkaasi u gaareen ayaa lagu sheegay in tahay dardargelinta howlaha lagu gargaarayo Muslimiinta Rohingya.

Madaxweynaha Turkiga ayaa wacad ku maray in uu wax ka qaban doono dhibaatada lagu haayo Muslimiinta kunool dalka Baarma.

Qaramada Midoobey ayaa dhawaan sheegtay in ku dhawaad 40,000 oo qof oo qaxooti ah oo ka tirsan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee qowmiyadda Rohingya ee dalka Myanmar ay u tallaabeen dhanka dalka deriska ah ee Bangladesh.

Sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka Bangladesh gobolka xadka ee Cox’s Bazar ayaa waxaa soo gaaray qaxooti gaaraya 146,000 labadii toddobaad ee la soo dhaafay.

Hase yeeshee wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Myanmar ay miinooyin dhulka ku aaseen si aysan uga gudbin xadka dadkan qaxootiga ah.

Dadkan qaxootiga ah oo qaarkood xanuunsanaya qaarna ay dhaawacan yihiin ayaa kamid ah kumanaan qaxooti ah oo aan haysan hoy,cunto iyo daawooyin.

Qaxootigan ayaa qaarkood waxa ay isticmaalayaan dooman iyadoo kuwo badana ay dhulka ku  imanayaan deegaano kala duwan.