Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay inuu labo toddobaad gudahood ku go’aansan doono in Mareykanku weerar ku qaado Iran, isagoo xusay in ay jirto “fursad dhab ah” oo wadahadal la xiriira Iran ah — xilli Israel iyo Iran ay maalintii toddobaad isku hayaan dagaal si toos ah u socda.
Afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa akhrisay farriin uu Trump soo diray oo ay warbaahinta u jeedisay, taasoo lagu sheegay in “hadal hayn badan ay socotay” oo ku saabsan in Mareykanka si toos ah dagaalka uga qeyb qaadan doono iyo in kale.
“Marka la eego in ay jirto fursad dhab ah oo wadahadal lala yeesho Iran — taas oo dhici karta ama dhici karin dhowaan — waxaan go’aankayga ku qaadan doonaa labada toddobaad ee soo socda haddii aan tallaabo qaadayo iyo haddii kale,” ayuu Trump ku yiri bayaan qoraal ah.
Leavitt ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan waxa Trump ku kallifay inuu aamino in wadahadal lala furi karo Iran.
Trump ayaa Arbacadii sheegay in Iran ay codsatay inay wafdi u soo dirto Aqalka Cad si ay ugala xaajoodaan maamulka Mareykanka arrinta barnaamijkooda nukliyeerka iyo sidii loo joojin lahaa dagaalka ay kula jiraan Israel. Iran ayaa si cad u beenisay sheegashadaas.
Markii la weydiiyey xiriirka suurtagalka ah ee labada dhinac, Leavitt waxay sheegtay in “xiriir weli socdo” oo u dhexeysa Mareykanka iyo Iran, iyadoo tixraacaysay wararka sheegaya in ergayga gaarka ah ee Trump, Steve Witkoff, uu xiriir la sameeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran.
Hase yeeshee, waxay sidoo kale sheegtay inaanay heyn wax caddeyn ah oo muujinaysa in Witkoff uu ku wajahan yahay magaalada Geneva si uu halkaas wadahadallo uga billaabo.
Khamiistii, Trump wuxuu guddoomiyay kulankiisii saddexaad ee saddex maalmood gudahood ka dhacay qolka amniga qaranka ee Aqalka Cad (Situation Room), halkaas oo uu weli ku lafa gurayay go’aanka ku saabsan in Mareykanku ku biiro olole duqeyn ah oo Israel hoggaaminayso.
Arbacadii, Trump ayaa su’aal la weydiiyay markaasna ku jawaabay: “Waxaa laga yaabaa inaan tallaabo qaado, sidoo kalena waxaa dhici karta inaanan qaadin,” isagoo ka hadlayay suurta-galnimada weerar ciidan oo ka dhan ah Iran.
Dhinaca kale, ka dib maalmo wadahadallo hoose ah, waddamada Yurub oo dhinac loo riixay tan iyo markii uu dagaalku billowday, ayaa haatan isku dayaya inay isticmaalaan awoodda kooban ee ay haystaan — haddii ay tahay inay yihiin kuwa hubka bixiya ama kuwo lagu arko dhex-dhexaadiyeyaal suuragal ah — si ay u soo afjaraan dagaalka.
Shir Jimcaha ka dhacaya magaalada Geneva, ayaa la filayaa in dalalka Yurub ay si toos ah ugu booriyaan Iran inay dib ugu laabato miiska wadahadalka — xilli Madaxweyne Donald Trump uu weli tixgelinayo in Mareykanku qaado weerar ciidan oo ka dhan ah Iran.
Haddii uu dhaco, kulankaasi wuxuu noqonayaa fadhigii ugu horreeyay ee rasmi ah oo dhex mara saraakiil ka kala socda Iran iyo waddamada Reer Galbeedka tan iyo markii Israel ay billowday weerarrada ay ku beegsaneyso xarumaha nukliyeerka ee Iran.