Trump oo shaqada ka eryey in ka badan 80 diblumaasi oo safiiro ubadan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha la dhaariyay ee dalka Mareykanka Donald Trump oo ay xiganayaan Warbaahinga dalkiisa ayaa shaaca ka qaaday in dhamaan Safiirada dalkiisa u fadhiya Caalamka uu ka eryay Shaqada Safiirnimo.

Donald Trump ayaa sheegay inaanu Wada shaqeyn doonin dhamaan Mas’uuliyiinta uu magacaabay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Obama.

Donald Trump waxa uu sheegay in Safiirada Mareykanka u fadhiya dhamaan Dowladaha xiriirka kala dhexeeya ay kasoo baxaan Xafiisyada ay ku magacaaban yihiin.

Trump waxa uu yiri “Wey adagtahay inaan wada shaqeyno kuwa sida gaarka ah uu u magacaabay Obama waayo waxa ay taa jawi khaldan galineysaa xaalada Mareykanka”

Talaabada uu Donald Trump ku kala diraayo inkabadan 80 Diplumaasiyiin ayaa xaalad Siyaasad xumo u horseedi doonta Dowlada cusub.

Dhinaca kale, waxa uu go’aankaasi horseedi doonaa in hoos u dhac uu ku imaado xiriirka Trump kala dhexeeya Dowladaha kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com