28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xaqiiqda lacagta ay DF ugu ‘deeqday abaaraha’ iyo sida ay u dhigtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online )– Dowlada Somalia ayaa maanta sheegtay inay malaayiin Dollar ay ugu deeqeyso gurmadka abaaraha ba’an ee ka taagan inta badan Gobolada dalka.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Xukuumada Somalia C/raxmaan Odawaa oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa sheegay in Dowlada ay bixineyso 3 Milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Odawaa ayaa sheegay in lacagtaasi ay Dowlada ugu deeqday dadka ay saameynta ku yeelatay Abaaraha waxa uuna tilmaamay in lacagtaasi ay si toos ah u gaari doonto dadka abaaraha la ildaran.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa inta badan caado u ah in marka ay wax u qabato dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya ay adeegsato erayada “deeq” ama “tabaruc”, hadalkaas oo ah marin haabin shacabka lagu sameynayo, oo dowladda ay ku raadineyso ammaan.

Hase yeeshee, waxaa is-weydiin mudan wixii dowlad ay dadkeeda u qabato ma tabaruc baa mise waa waajib saarnaa dowladda oo ay gudatay, haddiiba ay si buuxda u gudato.

Waxaa kale oo is-weydiin mudan, dadka Soomaaliya ku dhibaateysan haddii ay dowladdii ay doorteen, ee ayadaba ku nool lacagta laga qaaday shacabka, gaar ahaan canshuurta dadka Muqdisho, aysan wax u qaban, yaa kale oo ay filayaan inay wax u qabtaan?.

Arrintan waa mid soo laalaabta, inta bandanna dadka aysan ku baraarugsaneyn.

Dowladda Soomaaliya xitaa ma mudna in lagu amaano arrimaha noocan ah, waayo waa waajib saarnaa oo ay gudatay oo kaliya, haddiiba ay si buuxda uga soo baxdo.

Marka ay dhacdo arrin deg deg ah, haddii dowladda ay lacag u qoondeyso wax ka qabshada arrintaas, waa in lacagta ku baxeysaa loogu yeero “miisaaniyad dheeri ah” oo la anisixyey ee maaha tabaruc. Waxaa tabruc loo sameeyaa qof aan waajib kaa saarneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News