Donald Trump: Yahuudda Mareykanka ma jecla ISRAEL, waxaana caddeyn u ah…

New York (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dadka Yahuudda ah ee Mareykanka ku nool “aysan jecleyn Israel.”

“Yahuudda Mareykanka ma jecla Israel ama kalama jecla,” ayuu Trump ku yiri wareysi uu siiyey suxufi Israeli ah oo lagu magacaabo Barak Ravid.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa ku eedeeyey Yahuud badan oo American ah habka ay u codeeyaan xilliyada doorashada, isaga oo yiri “Israel waagii hore awoodd xooggan ayey ku laheyd Congress-ka balse hadda waa arrin taas ka duwan.” 

Trump ayaa ku eedeeyey madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo midka hadda Joe Biden oo labadaba dimoqraadi ah inay mas’uul ka yihiin taageero la’aanta Congress-ka ee Israel.

“Sidaas oo ay tahay mar kasta waxay helaan codadka dadka Yahuudda,” ayuu yiri Trump oo sheegay in taasi ay caddeyn u tahay in Yahuudda Mareykanka aysan jecleyn Israel, maadaama ay u codeeyaan xisbi uu sheegay inaanu taageersaneyn Israel.

Yahuudda Mareykanka ayaa 70% ah una codeeya xisbiga Dimoqraadiga xilliyada doorashada madaxweyne, inkasta oo Biden uu helay kaliya 60% isaga oo noqday Dimoqraadigii ugu codad Yahuudda yaraa taariikhda Mareykanka.

Sanadihii dhowaa, fallanqeeyayaasha siyaasadeed ayaa rumeysnaa in xisbiga Dimoqraadiga uu sii yareynayo taageeradiisa Israel. 

Hase yeeshee, horaantii sanadkan, Congress-ka ayaa meel-mariyey sharci difaac oo ay ku jirtay taageero militari oo la siiyo Israel sida dhaqaale lagu horumariyo barnaamijkeeda difaaca gantaallada ee Iron Dome. 

Trump ayaa wareysiga uu siiyey Ravid ku yiri “Dadka Kirishtanka Evangelical-ka ayaa Israel uga jaceyl badan Yahuudda ku nool dalkan.”

Trump ayaa sidoo kale wareysiga ku dhalleeceeyey wargeyska New York Times oo uu sheegay “inuu aad u neceb yahay Israel,” isaga oo tilmaamaya “dadka Yahuudda ah” ee maamula. Qoyska iska leh New York Times ayaa Yahuud ah. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii