Guddiga xalinta Khilaafka doorashada oo sheegay in shaqadooda ay halis ku jirto

Muqdisho ( Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gudiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in shaqadooda ay halis ku jirto.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkii loo doortay balse ay jiraan caddaadis ay kala kulmayaan dhinacyada isku haya doorashada Soomaaliya.

Xuseen ayaa sheegay intii ay ku guda jireen xalinta kuraasta doorashooda uu muranku ka dhashay in dad badan oo dhinacyo kala duwan ay caddaadis saareen taasina ay shaqadooda halis ku tahay .

Guddoomiyaha ayaa dhinacyada isku haya doorashada ka codsaday in guddiga xalinta khilaafaadka loo madax banaaneeyo shaqadooda si ay u gutaan wajiibkooda.

“Markasta oo aan kiisas nuucaas ah qabano cadaadis badan wuu jirayaa oo nooga imaan kara meelo kala duwan, waxa aan jecel nahay in meelahaas cadaadista naga daayaan oo howshaas iyagu noo igmadeen oo noo talo saarteen oo aan weliba ku hoggaamineyno habraacyada ay dejiyeen oo ay saxiixeen in ay nagu ixtiraamaan qolyahaas baan ugu baaqeynaa, taasaa danta dalka ku jirtaa tan dadka Soomaaliyeed ku jirtaa, hufnaanta & milgaha Doorashadu ku jirtaa, anagane noo dhib yar oo culeys badan na saareynin“ ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban.

Wuxuu si cad u sheegay inaysan jirin koox gaar ah oo ay u shaqeeyaan oo ay yihiin guddi qaran oo dhexdhexaad ka ah doorashada ka socota Soomaaliya.

“Labo kiis oo aan anagu qabanay waxa aan u raacnay habraacyadaas, waxa aan u arkeynay in caddaaladda keliya ee labada dhinac xaq siineysa, labadaas kiis aan qabanay mid waxa uu ahaa kii Xuseen Carab ciise HOP#239 & Midna waxa uu ahaa kursigii ugu dambeeyay HOP#067 ee uu kusoo baxay Yaasiin Farey, hab aad & aad u qurxoon oo laga baaraandegay oo habraacyada loo eegay ayaa u marnay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiye Xuseen.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in xubnaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay u jeediyeen guddigooda dhaliilo dhaawici kara howlaha ay bulshada u hayaan.

“Golaha Midowga Musharixiinta waxa aan leenahay waxa aad tihiin madaxdeena Berri, wax ummaddaan kala fogeynaya aad & aad uga fogaada, waxa aad rabtaan in aad ka hadashaan noo kaalaya ee annaga na quseeya aan idinka qancinee inta aysan bulshada wax u sheegin” ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga xalinta khilaafka.

Waxaa uu ugu baaqay Midowga Musharaxiinta haddii ay dhaliilo qabaan in ay u yimaadaan ayna diyaar u yihiin in ay wax waliba ay ka qancin doonaan.

Hadalka kasoo baxay guddiga ayaa kusoo aadayo xilli si weyn loogu dhaliilay go’aankii ay ka qaateen kursiga uu kusoo baxay Yaasiin Farey oo ay ka hor timid beeshii laheyd oo sheegtay inaan waddo sax ah loo marin.