Ujeedada ay Baydhabo u tagayaan R/W Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug

Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa Illaa Berri la filayaa in ay tagaan Magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed.

Ilo ku dhaw safarka Rooble & Qoor-Qoor ayaa sheegay in Baydhabo lagu qabanayo Shir looga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka si Ra’iisulwasaaraha iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyadu isaga xog-wareystaan wax ka qabashada cabashooyinka taagan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayey wararku sheegayaan in uu qudhiisa tagayo Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, balse waqti rasmi ah oo ku beegan socdaalkiisa lama shaacin.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in uu iclaamiyo shirkaan looga hadlayo Doorashada iyada oo goobta lagu qabanayo ay tahay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

19- ka December 2021 waxa ay ku beegan tahay saddex sano guurada kasoo wareegtay maalintii la doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, waxa ay wararku sheegayaan in munaasabad uu ku qabsanayo Baydhabo.

Ra’isuwlasaaraha ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka qeybgalo xafladda uu qabsanayo Lafgareen oo la rumeysan yahay in maamulkiisa uu wax horumar ah kusoo kordhin deegaanada Koonfur Galbeed marka laga reebo inuu ka shaqeeyo danaha madaxweyne Farmaajo.