Go’aanno laga soo saaray shirkii Rooble, Mucaaradka iyo Madax Goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir guddoomiyay kulan fogaan arag ah oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka dalka.

Sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble wajiga hore ee kulanka waxaa warbixin looga dhageystay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.

Guddoomiye Cirro ayaa dhinacyada faahfaahin ka siiyey dib u dhacyada ku yimid jidwalka doorashooyinka, hufnaan la’aanta laga tirsanayo doorashada iyo wadashaqeynta ay uga baahan yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale xubno matalayay Midowga Musharaxiinta ayaa ka qeyb galay kulanka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdirahman Cabdishakuur.

Musharaxiinta ayaa Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ka dalbaday in la saxo qaladaadka ka jira habraacyada doorashooyinka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la dhowro hufnaanta doorashooyinka.

Shirkaan oo ku qabsoomay aalada Zoom-ka ayaa lagu iclaamiyey shir ka dhici doona Muqdisho oo ay isugu imaanayaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, si looga arrinsado dhameystirka doorashooyinka

“Wadahadal iyo falanqeyn dheer kadib xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka waxay isku raaceen in si kama dambeys ah loo dardar-galiyo qabashada doorashooyinka kuraasta dhiman iyo in Golaha Wadatashiga Qaran uu isugu yimaado kulan dhawaan looga arrinsanayo dhammeystirka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble.

Golaha Midowga Musharaxiinta oo horay u soo saaray qoraal ay ku cadeeyeen qaladaadka ku jira doorashada,  waxayna dalbadeen in la hakiyo doorashada socota, balse majirto cid dheg jalaq u siisay dalabkaas, taas oo keentay inay si toos ah mowqifkooda ugu gudbiyaan Rooble iyo madax goboleedyada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horay u balanqaaday in cabashooyinka ka yimid doorashada uu wax qabayo, balse illaa hadda ma jirto hal tallaabo oo uu qaaday, si wax looga bedelo hanaankaan kalsoonidii musharaxiinta lumiyey doorashadu ku bilaabatay.