Daawo: Maxay siday doontii xalay ay ciidanka booliska ku qabteen xeebta Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa xalay gacanta ku dhigay doon siday waxyaabaha maanka dooriya, taas oo lagu soo bandhigay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Doonta ayaa la sheegay inay kasoo shiraacatay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana la sheegay inay baxsadeen ragii watay doontaas.

Afhayeenka booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay xeebta Liido oo lagu soo bandhigay doontaan ayaa sheegay in howlgal culus oo ka dhan ah maan-dooriyaha ay bilaabeen ciidanka booliska Soomaaliyeed.

“Doontaan waxay siday waxyaabo badan oo maandooriye ah oo isku dhex jira, sidaan ayaan uga hor tegeynaa maalkasta oo aad isku daydaan inaad dalka ka soo gelisaan muqaadaraad,” ayuu yiri afhayeenka.

Waxuu intaas ku sii daray, “Waxaan ugu baaqayaa dadka doomaha leh inay ka waantoobaan waxyaabahaan ay qaadayaan, hadii kale boolisku waxay la tiigsa doonaan sharciga, nagama baxsa doontaan.”

Ciidamada ammaanka Soomaaliya waxay maalmihii lasoo dhaafay si xariir ah ugu guuleysteen howlgallo ka dhan ahaa waxyaabaha maanka dooriya oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa gacanta lagu dhigay warshado lagu sameyn jiray maan-dooriyaha, sidoo kale waxay hey’adaha ammaanku gubeen noocyada kala duwan ee maan-dooriyaha, iyadoo gacanta lagu dhigay dadkii ka ganacsa jiray.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii