Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid go’aan caalami ah oo ka dhan ahaa Ethiopia

Geneva (Caasimada Online) – Golaha Xuququda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cod uu qaaday ku anisixiyey abuuritaanka guddi khubaro ah oo caalami ah oo baaritaan ku sameeya tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee dalka Itoobiya. 

Codaynta ayaa dhacday kadib shir shalay looga hadlay xaaladda xuquuqda aadanaha Itoobiya, taasi oo saraakiisha Qaramada Midobay ay ka digeen in dagaalka Itoobiya uu noqon karo mid baaha oo saameeya gobolka. 

Codaynta shalay la qaaday ayaa 21 waddan oo ka mid ah waddamada ku jira Golaha Xuquuda Aadanaha ee Qaramada Midobya waxay ku codeeyeen inay ansixiyaan qaraarkaasi, waxaana kasoo horjeestay 15 waddan, halka 11 ay ka aamuseen. 

Waddamada ansixiyey waxa ka mid ah kuwa Yurub oo ay ku jiraan Biritan iyo Jarmalka, halka kuwa kasoo horjeestay ay ku jraan Soomaaliya iyo Eritrea. 

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea Maxamed Farmaajo iyo Isaias Afwerki ayaa saaxiib la ah ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed. Farmaajo wuxuu horey u taageeray dagaalka uu Abiy ku qaaday Tigray-ga, halka Afwerki uu ciidan u diran gobolkaas.

In dowladda federaalka diido in la baari tacaddiyo bani’adaamanimo waa ceeb kale oo usoo hoyatay Soomaaliya.

Ka sokow Soomaaliya iyo Eritrea, dhammaan waddamada Afrika ee ku jira golahan ayaa iskugu jiray kuwo diiday iyo kuwo ka aamusay. Waddamada ka aamusay waxaa ka mid ah Senegal, Liibiya, Malawi yo Sudan. 

Guddigan ayaa ka koobnaan doona saddex qof, waxayna la socon doonaan xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka Itooobiya muddo hal sano ah. 

Dawladda Itoobiya waxay kasoo horjeesatay shirka shalay iyo dhismaha guddiga, waxayna sheegtay in shrika ay afduubeen dhinacyo leh dano siyaasadeed, sida hadalka loo dhigay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii