Doodda sadex xagal-ka ah ee wixii shalay ka dhacay magaalada BAYDHABO

Doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee lagu doortay Cabdicasiis Laftagareen waxa ay ahayd wixii la filayey, yeelkii qofkii meel kale u muuqatay!

Doodda ma aha qiimeynta Laftagareen iyo waxa uu ku soo kordhin karo ama u dhimi karo maamulka Koonfur Galbeed ee uu afarta sano ee soo socota hoggaamin doono, balse waxaan si qotodheer u lafaguri doonnaa dood saddex xagal ah oo ka dhalaneysa doorashadii shalay.

Doodda saddex xagal ah ayaa ku kooban doorashada 2021-ka la filayo in ay dalka ka dhacdo marka uu dhammaado muddo xilleedka maamulka hadda jira.

1.Doodda Siyaasiyiinta Mucaaradka ah

2.Xisbiyada abuurmaya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee u soo guuray Muqdisho

3.Faragalinta Nabad iyo Nolol ee doorashooyinka Maamulada

XAGASHA KOWAAD – Doodda Siyaasiyiinta Mucaaradka ka ah

Kaddib markii lagu dhawaaqay natiijadii doorashada Koonfur Galbeed durba waxa uu walaac soo galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradkan dowladda dhexe oo u arkay in wixii Baydhabo ka dhacay halis ku yahay rejada ay 2021-ka qabaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dowladda wanaag iyo xummaanba ku dhaliila ayaa boggiisa Facebook ku soo qoray saddaro dhaadheer oo uu ku muujinayo cabsidiisa, ila eegga qeybtan ka mid ah….

“Ma filaayo in Madaxweyne Farmaajo doorasho diyaar u yahay sanadka 2020 ee waa in inagoo wadajirna talo ka yeelanaa oo aanan sugin in horudhac riwaayada ee maanta Baydhabo lagu soo bandhigay aanan 2020 ka dusheena lagu dhigin.”

Siyaasiyiinta mucaaradka ah waxa ay u arkaan wixii ka dhacay Baydhabo afgambi horseedi doona in 2021-kana dalka ka dhaco oo ay ama doorashada ugu shubtaan ama u dheereystaan waqtida mamaulka hadda jira.

XAGASHA LABAAD – Xisbiyada abuurmaya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee u soo guuray Muqdisho

Si qotdheer maanka uga shaqeysii! Maxaa soo dedejiyey Xassan Shikh Maxamuud iyo dhismaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka, maxaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku soo celiyey Muqdisho oo uu durba murankii isaga iyo dowladda u dhexeeyey u bilowday, Shariif iyo Xisbigiisa Himilo Qaran???

Waxaa si fudud kuugu soo baxaya hal xigmad oo aan rabo in aan uga jawaabno sida loo odoroso Kubadda Cagta natiijadeeda!

Ka soo qaad, waxaa afar dhammaadka (Semi Final) tartanka kooxaha Yurub (UEFA Champions League) isugu soo baxay; Real Madrid, Manchester United, Schalke 04 iyo Roma. Waxaa isku aaday Manchester United iyo Real Madrid iyo Roma iyo Schalke 04!

Halkaas marka ay mareyso, fallanqeeyeyaasha Kubadda Cagta Maxay yiraahdaan? Finaalihii oo la soo hormariyey waxaa dheelaya Manchester United iyo Real Madrid!

Sheekada xagashada labaad waxaad ka fahmi kartaa in uu bilowday oo uu waliba xoogeystay ol’olaha 2021 oo lagu go’aamin doono natiijada xilligaas waxa hadda ka socda Maamulada ee uu dagaalka ugu dhaxeeyo dowladda iyo mucaaradka ka soo horjeeda.

Hadda waa looga adkaaday Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed balse waxaa la sugi doonaa Kismaayo iyo Garoowe!

XAGASHA SADDEXAAD – Faragalinta Nabad iyo Nolo ee doorashooyinka Maamulada

Mamaulka hadda jira ee ay hoggaamiyaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre wey ku soo talagaleen oo siyaasadooda ay ka mid tahay in ay saameeyaan doorashiiyinka Maamulada.

Ma aha arrin weecsan waayo, nidaam markaa jira haddii uusan is wadan, siyaasadana ka mideysneyn ma hana qaado – waxaa tusaale kuugu filan afartii sano ee iyaga ka horreysay!

Sida muuqata, Nabad iyo Nolol waxa ay doonayaan in ay helaan hoggaamiyeyaal ku aragti ah oo ka soo baxa Maamul Gobolleedyada ama ugu yaraan ay iyaga soo saaraan taas oo u fududeyn doonta qodobada soo socda.

  1. Abuuridda xasillooni siyaasadeed

2- Dardargalinta qorshaha amniga qaranka (National Security Architecture).

3.Higalinta doorasho qof iyo cod ah

Uma baahna in aan saddexdaas qodob mid mid u sharraxo, waayo tan hore oo la helo waxa ay ugu gogol xaari doontaa midda labaad oo Iyana sahli doonta midda saddexaad.

W/Q: Mohamed Kaafi
Email: Muhamedkaafi@gmail.com