Aqoonyahanada Somaliland iyo dagaalka twitter-ka ah ee ay kula jiraan Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) – Inkastoo ay inta badan dadka Soomaalida ahi siyaasadda kaga faalloodaan baraha bulshada, haddana aaladda twitter-ka ayaa ah fagaare ay inta badan ku dooddaan dadka aqoonyahanka ah ee siyaasadda lafo-guraa.

Twitterka oo qoraalka la ogolyahay in lagu qoraa uu aad u koobanyahay ayaa waxa jira dad reer Somaliland ah oo si maalinle ah ugu baahiya qoraalo iyo xoggo la xidhiidha Somaliland, waxaanay qoraaladooda oo ay ku qoraan luuqadaha Ingiriisida iyo Carabiga ugu babac dhigaan dadka Soomaalida ama ajaanibka ah ee faafiya qoraalada sumcad dilka ku ah Somaliland amaba kuwa taariikh khaldan ka baahinaya qaddiyadda Somaliland.

Aqoonyahanada reer Somaliland ee sida maalinlaha ah qoraalada ku saabsan Somaliland iyo qadiyadeeda ugu baahiya twitterka waxa ka mid ah Dr. Maxamed Warsame Ducaale, Yuusuf Cabdi Gaboobe, Sarah Axmed Yuusuf, Siciid Shukri Xuseen iyo dad kale. Ka sokow qoraalada ay ugu jawaabayaan dadka Soomaalida ama ajaanibka ah ee baahiya qoraalada ku liddiga ah Somaliland, waxa ay qoraaladooda saldhig uga dhigaan hadba wixii ka soo kordha siyaasadaha dunida ee si uun saamayn ugu yeelanaya Somaliland.

Tusaale ahaan Dr. Maxamed Warsame Ducaale iyo Yuusuf Cabdi Gaboobe, waxa ay qoraaladoodii u dambeeyay ee shalay kaga hadleen go’aan ay dawladda Soomaaliya dalkeeda kaga mamnuucday hay’adda cilmi baadhista ah ee SAHAN ee uu fadhigeedu yahay dalka Kenya oo uu agaasime ka yahay Mr. Matt Bryden oo u dhashay dalka Kanada.

Mr. Matt, ayaa la aaminsanyahay inay dawladda Soomaaliya ku qaniintay faallo lagu qoray wargeyska caanka ah ee Washington post oo lagaga hadlay xadhiga Mukhaar Roobow oo uu Mr. Matt qaybo ka mid ah lagu soo xigtay hadalo uu wargeysku weydiiyay.

Dr. Maxamed Warsame Ducaale, ayaa qoraal kooban oo uu soo geliyay bartiisa twitterka, wuxuu ku sheegay in Mr. Matt Bryden iyo ururkiisa SAHAN, laga soo dhawaynayo Somaliland.

Sarah Axmed Yuusuf oo degen dalka dibadiisa, ayaa iyadu si maalinle ah qoraalo ugu baahisa sanduuqa ay ku leedahay twitterka, waxaanay qoraaladeeda oo u badan kuwo ay ku difaacayso Somaliland ku baahisaa luuqadda Ingiriisida. Sarah ayaa qoraalkeedii ugu dambeeyay ee shalay waxa ugu jawaabtay xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo shir ka dhacay Djibouti ku sheegtay inay Soomaaliya ku metesho Somaliland, “Marwo, shaqadaada siyaasadeed maaha mid aan ku metesho Somaliland, waxaad meteshaa naftaada, maaha Somaliland.” Ayay tidhi Sahra iyadoo u jawaabaysa xildhibaanad Fowsiya, waxaanay intaas raacisay inay dadka reer Somaliland iyagu doortaan xildhibaanadooda iyo madaxdooda siyaasadeed ee kale.

Waxa kale oo ay muwaadiniintan iyo kuwo kaleba baahiyaan qoraalo koob-kooban balse nuxur badan xambaarsan oo ay kaga hadlaan dawladda Soomaaliya iyo madaxweyne Farmaajo. Sidoo kalena siyaasadda gobalka Geeska Afrika ayay si maalinle ah u falanqeeyaan.

Qoraalada ay baahiyaan ayay waxa kale oo ay mararka qaar ugu jawaabaan saxafiyiinta Koonfurta Soomaaliya ee ka shaqeeya warbaahinta caalamiga ah amaba saxafiyiinta ajaanibka ah ee laga yaabo inay mararka qaar taariikh khaldan ama xoggo aan la hubin ka baahiya Somaliland.

Shakhsiyaadkan ayaa inkastoo aanay keli ku ahayn difaaca Somaliland iyo gudbinta wararkeeda, haddana waxay ka mid yihiin dadka ka dhex muuqda aaladda twitterka ee subax kasta soo gudbiya qoraalo kala duwan, waxaanay baahinta qoraaladooda bilaabeen markii ay dawladda Soomaaliya sida adag uga hortimid maalshashiga DP world ee dekedda Berbera.

Waxaana jirtay dhawr goor oo ay xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiisha dawladda Soomaaliya si toos ah uga jawaabaan qoraalada ay reer Somaliland ku baahiyaan barahooda twitter-ka. Dad kale oo ajaanib ah ayaa iyaguna ka jawaaba qoraalada ay baahiyaan oo ku qoran luuqadda Ingiriisida, waxaanay taasi ku tusaysaa sida loogu xidhanyahay sanaaduuqda ay aqoonyahanadani ku leeyihiin twitter-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com