Lacagtii ay DF ku bixisay in Lafta-gareen madaxweyne laga dhigo oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qarash gaaraya saddex milyan oo dollar ku bixisay sidii Cabdcasiis Lafta-gareen loogu dooran lahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed, sida uu sheegay, wasiirkii hore ee Howlaha guud ee Xukuumadda Kheyre, Saalax Sheekh Cismaan.

Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay doorashadii ka dhacday Baydhabo mid lagu shubtay, oo aan u dhicin hanaan hufan oo xor iyo xalaal ah.

Eng Saalad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in iyadoo ay malaayiin shacab Soomaaliyeed ah ay ku dhibaateysan yihiin xeryaha barakaciyaasha Baydhabo ay Xukuumadd Soomaaliya ay lacag intaasi la eg ku kharasha gareyso Guusha Lafta Gareen.

Doorashadii shalay xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo baxay Cabdicasiia Lafta Gareen, oo ahaa Musharax ay dowladda Muqdisho kasoo dirtay, isagoo hub, ciidan iyo lacag wata ka degay Baydhabo bishii lasoo dhaafay.

Dowladda Federaalka wali kama aysan jawaabin eedeyntan.

Lafta Gareen ayaa helay codad aad u badan wareeggii kowaad, kuwaasi oo gaaraya 101, halka musharixii ugu dhawaa, Aadan Saransoor uu ku guuleystay 22 cod, iyadoo doorashada ay ahayd mid qaadatey mudo ka yar saddex saacadood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com