Doodda wax ka beddelka dastuurka oo bilaabatay iyo wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta guda-galay doodda qodobo kamid ah qabyo qoraalka wax ka beddelka Dastuurka KMG.

Guddiga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah ayaa guda-galay ka doodista iyo meel-marinta qodobada 1-aad illaa iyo 62-aad ee 4-ta cutub ee ugu horreeya qabyo qoraalka wax ka beddelka Dastuurka KMG oo ay guddiga u soo gudbiyeen guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka.

Xubnaha guddiga ayaa qodobada loo soo gudbiyey ku samaynaya wax ka bedel, sixid, siiqayn iyo toosin, si ay u soo saaraan soo-jeedinta kama dambaysta ah ee la horgaynayo labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

3-dii December ayey aheyd markii guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Soomaaliya iyo Guddiga La-socodka Dastuurka Baarlamaanka JFS ay kulan wada-jir ah ku yeesheen magaalada Muqdisho. kulan wada jira waxa uu uga furmay magalada Muqdisho.

Kulankaasi oo ahaa soo bandhigid iyo soo jeedinta cutubyo kamid dastuurka, kaasi oo uu diyaariyay guddiga madaxa-banaan ee dastuurka Soomaaliya.

Labada guddi ayaa isla eegi doona cutubyada 1-aad illaa 4-aad ee uu soo diyaariyay guddiga madaxa-banaan ee dastuurka, ayada oo markaas kadib loo gudbin doono labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba, dhawaan ayay aheyd markii baarlamaanada dowlad-goboleedyada ay saluug ka muujiyeen howlaha socda ee lagu dhameystirayo dastuurka dalka, iyaga oo sheegay in laga reebay guddiyada wax ka bedelka iyo dib u eegista dastuurka.

“Ma jiraan guddiyo ka wada shaqeeya shuruucda dalkaan, baarlamaanada dowlad goboleedyada wax talo wadaag ah kuma lahan shuruucda lasoo dhisayo ee dalka,” ayaa lahu yiri bayaan kasoo baxay afhayeenada baarlamaanada dowlad-goboleedyada, markii laga reebo Puntland.