Ganacsiga Soomaalida oo wajahaya halis horleh kadib weerarada kasoo kordhay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Badda cas waa mid ka mid ah marinada ugu weyn ee ay adeegsadaan ganacsiga isaga kala goosha caalamka, uuna ku xiran yahay xaddi badan oo ganacsiga Soomaalida ee ku xiran dalalka Khaliijka carabta.

Dekaddaha Berbera iyo Boosaaso oo ka mida ilaha dhaqaalaha ee Soomaalida, ahna dhuumaha ugu waaweyn ee ay ka dhoofaan ama ka soo dagaan ganacsiga soomalida ayaa ku yaala badda cas.

Sida ay sheegeen ciidamada caalamiga ee ku sugan xeebaha badda cas, waxaa jira walaacyo isa soo taraya oo laga qabo kororka weeraro ka dhan ah maraakiibta ganacsiga ee isaga gooshaya badda cas kuwaas oo saamayn durba ay ka dhalatay.

Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay inay ka hortageen ilaa dhowr weerar oo kooxda xuutiyiinta Yemen ku qaadeen maraakiib ganacsi oo maraysay badda cas.

Dekadda Boosaso oo fure u ah ganacsiga Puntland ilaa gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa inta ugu badan ganacsatadu alaabtooda uga timaada dalka imaaraadka carabta iyo dalalka kale ee Khaliija kala soo degaan, halka xoolo badanna uga dhoofaan wadamada carabta.

Walaaca weerarada ee badda cas waxaa ay samayn toos ah ku yeelanayaan ganacsiga oo ay khatar ku tahay sida BBC-da uu u sheegay Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland Cabdalla Cali Maxamed (Xaashaawe) oo xusay in halista ka soo korortay badda cas iyo weeraradu ay walaac galinayaan ganacsiga.

“Runtii annaga saamayn taban ayey nagu yeelanaysaa ganacsigeena waayo 90% ganacsigeenu wuxuu ku xiran yahay gacanka Cadmeed, wuxuu ku xiran yahay dalalka khaliijka marinkaas ayeyna wax noo soo maraan ha noqoto mid lala soo dagayo ama mid laga dhoofinayo, waana nasiib daro iyo khalkhal ku yimid waxaa ka soo kordhaya badda cas waayo nolashada dadka reer Puntland ayey toos u taabanaysaa ” ayuu yiri wasiir Cabdalla.

Sida uu sheegay ganacstada qaar ee ganacsigoodu isaga kala goosho badda cas ayuu sheegay inay walaac arintaas ay ka qabaan uu soo gaaray wasaarada ganacsiga balse uusan wali ahayn mid faraha ka baxay.

Wasiirka ayaa sheegay in inta badan ganacsatadu adeegsadaan doomo ganacsigooda ka soo qaada dalalka Khaliijka, sidoo kalena ay maraakiib marmar adeegsadaan.

Dekadda magaalada Berbera waxay saaran tahay gacanka Cadmeed, waxaana wax badan kala soo dega kana dhoofiya ganacsatada Soomaalida, waxaana imaanaysa su’aasha ah, ganacsigan ma saamayn karaan dhaqdhaqaayada ay Xuutiyiintu ka wadaan badda Cas, maadaama ay Soomaali badan adeegsadaan maraakiib kiro ah oo ay leeyihiin dad ajaaniib ah.

Saamaynta ugu horaysana waxay noqon kartaa in mid ka mid ah maraakiibta kirada ah ee Soomaalidu uu bartilmaameed u noqdo Xuutiyiinta iyaga oo aan u eegin cidda uu u raran yahay.

Kabtan Yuusuf Cali Nuur, waa wakiil u kala kireeya ganacsatada Soomaalida ee Berbera maraakiibta ajnabiga, wuxuuna BBC-da u sheegay inaysan hadda jirin wax saamayn ah oo ay ku yeelatay, basle waxaa uu xusay in haddii halistu sii socoto ay suurtogal tahay inay saamayn ku yeelan doonto.

Yuusuf ayaa xusay in maraakiibta Soomaalidu ay kiraysato laga leeyahay inta badan dalalka Hindiya, Suuriya iyo dalal kale. Sidoo kalana kuwa kunteenarada qaada ee u kiraysan Soomaalida laga leeyahay ayagana dalalka Talyaaniga iyo Faransiiska.

Walaaca soo laabashada burcad badeedii Soomaalida

Sidoo kale xeebaha Puntland waxaa ka dhacay weeraro burcad baddeed oo ay Puntland ku tilmaantay weerarro isku day ah oo lagu soo celinayo burcad baddeeda balse ay ka hortagayaan.

Wasiirka ganacsiga Puntland Cabdalla Xaashaawe ayaa sheegay in Puntland leedahay ciidamo ku filan inay ka hortagaan isku dayo lagu khalkhal galinayo xeebaha, awoodoodana ay ilaalinayaan.

Tododobaadyo ka hor ayey ahayd markii koox burcad baddeed ah ay deegaan xeebeedka Maraya ee degmada Eyl ay ka afduubeen doon u rarnayd ganasato reer Puntland ah kuwaas oo dalbaday madax furasho.

Qaar ka mida kaluumaysatada ku sugan xeebaha Eyl ayaa walaac ka qaba soo laabashada burcad baddeeda marka ay arkaan jariifka xoogan ee xeebaha ay ku hayaan doomo shisheeye oo laga leeyahay dalal ajnabi ah sida uu BBCda u sheegay Cabdiqaadir Aadan Maxamed oo ka mid ah golaha deegaanka ee degmada Eyl kana mid ah ganacstada deegaankaasi.

Sidoo kale wuxuu Cabdiqaadir sheegay inay hadda ka duwan tahay sanadihii 2007 ilaa 2011 markii ay burcad baddeedu sida ba’an ugu xooganaayeen deegaanada xeebaha Eyl, farqiga ayuu ku sheegay in bulshadu hadda aysan rabin inay soo laabtaan sababo uu ku tilmamay halaagii ay badeen dadka iyo deegaanka.

Weerarada Xuutiyiinta ee Badda Cas

Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in dhowr weerar ay Xuutiyiinta ku qaadeen maraakiib ganacsi oo maryey gacanka cadan.

Shalay oo kaliya Badda cas waxaa ka dhacay labo weerar oo ay Xuutiyuuntu la beegsadeen labo markab oo marayey gacanka Baabul mandab.

Labada markab ayaa sida ay militariga Maraykanku sheegay waxay ku gooshayeen calanka dalka Liberia.

Waxaa isa soo taraya tirada weerarada ee ka dhacaya badda cas oo ay geysanayaan kooxda Xuutiyiinta oo xulufo la ah Iran.

Dhanka kale shirkadda maraakiibta ee dalka Denmark ee Maersk ayaa sheegtay inay hakisay dhammaan safaradii ay ku mari jirtay badda cas.

Go,aankan ayey shirkaddu ku sheegtay inay samaysay ka dib weerarada halista leh ee ka dhacaya badda cas.

Warbixin ay siisay BBC-da, Maersk, oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn caalamka ee maraakiibta ayaa tiri “Weerarradii dhawaan lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ee aaggaas waa kuwo argagax leh, waxayna khatar weyn ku yihiin badqabka iyo ammaanka badmaaxiinta”.

Haddi halistu sii kororto waxaa dalalka ugu badan ee ay saamaynayso ka mid ah Soomaaliya, Jabuuti, Eritrea iyo dalalka carbeed ee ku teedsan badda cas.

Isha: BBC Somali