Sawirro: Ciidamada xoogga oo ka hor tegay khatar culus, lana wareegay deegaano cusub

Ruun-nirgood (Caasimada Online) –Ciidamada xoogga dalka oo maalmahaan ku jira howlgallo culus ayaa galabta la wareegay deegaano cusub oo horay ay u joogtay kooxda Al-Shabaab.

Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ayaa maanta howlgalo lagu guuleytay fuliyey goobo kooxda si dhumaleysi ah ku joogtay.

Degaanada kala ah Gacal-ugaas iyo Murcudka oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee Shabeellada Dhexe ayaa kooxda Al-Shabaab laga saaray galabta.

Guutada 24-aad ayaa dhanka kale qarxisay miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen waddooyin ka baxa degmadaas Ruun-nirgood.

Dhinaca kale, koonfurta gobolka Mudug waxaa ka socda howlgallo kale oo culus, ciidamada ayaa shalay gudaha u galay deegaanka Shabeelow.

Sidoo kale ciidamada ayaa maanta ka gudbay Shabeelow, iyagoo ku wajahan deegaano muhiim ah oo Caad ay ku jirto.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka iyo saraakiil kale oo aad u badan ayaa ku sugan furinta Shabeelow, kuwaas oo hoggaaminaya howlgalka xoreynta dalka.