DF iyo maamulka G/Banaadir oo ka shiraya 3 qodob oo saameynaya caasimadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay daah-furay shirka wadatashiga dib-u-cusbooneysiinta qorshaha horumarinta qaranka 9-aad ee sandka 2024.

Qorshaha shirkaan looga tashanayo ayaa waxaa fulinteeda iska kaashan doona maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda qorsheynta qaranka.

Shirkaan oo ay goob joog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka XFS, Agaasimaha Guud ee Waaxda Qorsheynta Dowladda Hoose ee Xamar iyo Mas’uuliyiin kale ayaa diirada lagu saaray arrimo dhowr ah, oo kamid yihiin;

  1. Soo gudbinta waxyaabihii u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir.
  2. Baahiyaha waaweyn ee hortabinta u leh horumarinta Gobolka, si loogu daro qorshaha qaranka 9-aad ee sanadka 2024.
  3. In la xoojiyo wada-shaqaynta iyo iskaashiga u dhaxeeya maamulka gobolka iyo wasaaradda qorsheynta qaranka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu bogaadiyay tallaabooyinka socda ee lagu xoojinayo horumarinta caasimdda iyo in lala jaanqaado qorshaha horumarunta qaranka.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay muhiimada horumarka caasimada, iyada oo hortabin la siinaayo qorshaha u degsan maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar.