Doon u rarneyd ganacsade Somaliland ah oo gubatay, kadibna degtay (Warbixin)

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dooni u rarneyd ganacsade Rashiid Ibraahin Ciise oo dab xoogan uu qabsaday, xilli ay kasoo baxday magaalada Cadan ee waddanka Yemen, kuna soo jeeday dekedda Berbera.

Doonida oo gabi ahaan gubatay ayaa sidoo kale biyo ay soo galeen, kadibna sidaasi ay ku degtay, iyadoo ay dhammaan ku baaba’day hantidii saarneyd.

Miilkiilaha doonida oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in dhacdadan ay dhacday Isniintii xilli maqrib ah, wuxuuna tilmaamay in isku dayo la sameeyey aan lagu guuleysan.

“Waxay 6:00 PM abaaro afuradii Yementa ayay kasoo baxday magaalada Cadan, iyada oo kusoo jeeda dekedda Berbera, doonta dab ayaa qabsaday, Yemen ayaanu la xidhiidhnay si loo bad baadiyo ka bacdi markaanu qayla dhaanta ka helnay doonta in ay gubanayso, way isku dayeen in ay doonta bakhtiiyaan lakin dabkii wuxuu gaadhay xaga hoose, taasina waxay kaliftay in ay biyihii soo galaan marka way dagtay” ayuu yiri milkiilaha doonidaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in doonidu ay sidday bagaash kala duwan oo iskugu jira caano, subag iyo alaabooyin kale.

Hantida saarneyd ayuu sidoo kale qiimo ahaan ku sheegay 20,000 oo kartoon oo subag ah, 7000 oo kartoon oo Caano Yemeni ah, 5000 oo kortoon oo ahaa fiinto iyo alaabooyin kale”

“Doonta iyo xoolaha saaranba Somaliland ayaa laga leeyahay, doonta waxa lahaa anigaygan kula hadlaya ee Cali Ducaale ah, xoolaha saarana waxaa lahaa ganacsade Rashiid Ibraahin Ciise oo Somalilander ah, hantida doonta saarnayd waa, 20,000 oo kartoon oo subag ah, 7000 oo kartoon oo Caano Yemeni ah, 5000 oo kortoon oo ahaa fiinto iyo alaabooyin kale” ayuu markale yiri Cali Ducaale milkiilaha doonida burburtay.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo aan weli laga soo gabay dhacdadii Suuqa Waaheen oo dabkii ka kacay ay ku hanti beelay ganacsata fara badan oo reer Somaliland ah.