Hargeysa (Caasimada Online) ― Dooni ganacsi oo siday alaabooyin kala duwan ayaa waxay maanta ku degtay meel u dhow Dekedda Magaalada Berbera, kadib markii ay ku kaceen dabaylo.
Doonidan ayaa waxay alaabo badan u siday Ganacsatada Somaliland, taasi oo ka soo amba-baxday magaalada Dubai, sida uu inoo xaqiijiyey Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa faah-faahin ka bixiyey Doonta degtay, isagoona sheegay in alaabta ay waday lagu qiyaasay 5-Milayn oo dollar.
“Dooni sidday Xoolo Faro badan oo laga leeyahay Somaliland oo laga soo rarray Dubai ayaa degtay, Doontaasi siday u dhamayd waxay u rarnayd Ganacsatada Somaliland, 81-qof oo Shirkado ama Ashkhaas ayay u rarnayd Doontu, qiimaynta xoolahaa ma hayno, laakiin waxa lagu qiyaasi karaa Shan Milyan” ayuu yiri Guddoomiye Jamaal Caydiid.
Wuxuuna intaas kusii daray “Waxay degtay iyadoo Berbera ku soo dhaw, sida la sheegayna dabaylo ayaa ku kacay, wayna awoodi wayday inay socoto. Alaabta ay sidday waxa ka mid ah Baabuur, Qalabka dhismaha, Xadiid, Sibidh, Loox, Isbeer-baadhka Baabuurta”.
Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

