Xukun jeclaysiga AXMED Madoobe iyo Axmed Xaaf iyo fitnada cusub ee Somalia

Cabdullahi Yusuf Axmed baa laga sheegay inuu yiri dhibka iyo shiddadu aniga ma ahee waa Kursiga.

Xaaf iyo Axmed Madoobana waxay leeyihiin anaa iri yeeli mayno. Iyaguna waxay rabaan inay helaan waxay dhahaan, siday rabaana loo yeelo.

Taasina waa xukun jeclaysigii iyo keli talisnimadii sababtay inay Soomaaliya bur-burto, Siyaad Barrena loogu qabsaday kursiga. Madaxdii ka dambaysay Siyaad Barre oo dhan waxaa looga caal la’a yahay in markii xilligoodu dhamaado in aysan isku sii dhajin xukunka, ayna qabtaan doorashooyin loo siman yahay oo ka madax banaan faro gelin shisheeye, cadaadis, cabburin,  handaad, musuq-maasuq, laaluush, iyo u adeegid dano dawlado shisheeye oo cadow u ah Soomaaliya, qofkii ku guulaysta doorashadana si hufan loogu wareejiyo xilka.

Xukun uu ninna rabin inuu ka dego maxaa Siyaad Barre loogu qabsaday?

Sow la yaab ma aha in ninkii madax noqdaaba uu marayo waddadii iyo nidaamkii xukun ku dhegga ahaa ee dalkeenu u bur-buray, laguna eedeeyay Siyaad Barre. Sow iyana ma aha in la is waydiiyo sababta Siyaad Barre xukunka loogu qabsaday haddii kuwii ka dambeeyay aysan rabin inay xukunka ka degaan.

Waa in labo mid la yeelaa:

  1. In madaxda waddanka oo dhan heer Federaal iyo heer maamul goboleedba ay doorasho ku yimaadaan, doorashana ku tagaan.
  2. In madaxda oo dhan ay noqdaan kuwo uuay mgacaabaan madaxwaynaha iyo madaxda maamul goboleedyadu.

Taasina waxay keenaysaa in laga bed-baado is qab-qabsiga, iyo fashilka siyaasadeed ee ka dhalan kara mooshinada had iyo jeer lagu soo oogo madaxda la doortay, iyo in la helo dawlad waqtigeeda iyo juhdigeeda galisa ka shaqaynta horumarka degaanda dalka oo dhan, dawalad aan mar walba ku jirin is difaac iyo siday uga bed-baadi lahayd mooshinada lid ku ah ee ay keenaan kooxo danaystayaal ah.

Waxaan is waydiin leh, sidee u dhici kartaa in madaxda maamul goboleedyadu ay yeeshaan awood ay ku magacaabi karaan xilkana uga qaadi karaan guddoomiyayaasha gobollada iyo duqyaasha magaaloyinka maamul goboleedkooda laakiin madaxwaynaha Soomaaliya uusan lahayn awood taas la mid ah oo uu ku magacaabi karo madaxda maamul goboleedyada heer ay yihiinba.

Macne ma samaynaso in awood loo diiday madaxwaynaha waddanka la siiyo ama ay xoog ku maroorsadaan madaxda maamul goboleedyadu. Waa in guddoomiyayaasha iyo duqyaasha magaaloyinku ay ku yimaadaan doorasho, xilkooda aan cidina ka qaadi karin ilaa ay waqtigooda ka dhammaystaan.

Sidoo kale, tuulooyinka, degmooyinka, iyo gobollada hoos yimaada maamul goboleedyada waa inay helaan xuquuq u dhiganta tan maamul goboleedyadu ku leeyihiin dawaldda Federaalka ah. Dawaladda dhexena xuquuq taas u dhiganta waa inay ku yeelato maamul goboleedyada iyo degaanada hoos yimaada.

Waana in isla sida maamul goboleedyadu ugu hanjabaan inay xiriirka wada shaqaynta u jarayaan dawladda dhexe, ay gobollada iyo degaanda hoos yimaada maamul goboleedyada iyaguna u qaadi karaan tallaabo taas la mid ah oo ay xiriirka wada shaqaynta ugu jari karaan maamul goboleedka.

Haddii si buuxda loo fahmo in xiriirka iyo wada shaqaynta dawladda dhexe, maamul goboleedyada, degmooyinka, iyo tuulooyinku uu yahay mid kor-iyo-hoosba isu dheelli-tiran oo ay caddahay xuquuqda iyo waajibaadka midba kan kale ku leeyahay, waxaa la helayaa is faham buuxa oo keenaya in laga wada shaqeeyo horumarka waddanka. Laakiin haddii maamul goboleedyada keliya ay leeyihiin awoodda ah in wax la curyaamiyo, wax la qaso, wax la joojiyo, la hanjabo, ama xilka qof laga qaado, waxaa meesha ka baxaya isu dheelli tirnaanta awood qaybsiga, helidda xuquuqaha iyo waajibaadka la isku leeyahay, iyo jirtaanka sharci ay ku kala bixi karaan maamullada kala duwan ee dalka ka dhisan markii aragti kala duwanaan imaato.

Jaridda xiriirka wada shaqayntu waa inuu noqdo mid labo jihoole ah oo aan hal jiho oo qura uun loogu hanjabin oo loo adeegsan. Waa gobollada iyo degmooyinka uu ka kooban yahay maamul goboleedku ay xiriika wada shaqaynta u jari karaan maamul goboleedka sida uu isaguba uga hanjabo inuu xiriirka ugu jaro dawladda dhexe.

Sidoo kale, waana in fikraddaan qodob ahaan lagu daro dastuurka dalka, haddii kale waligeed laga dhamaan mayo is qab-qabsi, fashil siyaadeed, horumar la’aan, iyo u adeegidda shisheeye dano gaar ah ka leh Soomaaliya.

Dastuurka ha isu dheelli tiro hana labo-jiheeyo awoodaha iyo xuquuqaha

Hadda ka hor mar aan xiriir la sameeyay wasiirkii hore ee dastuurka (Cabdirxman Xoosh Jibriil) wuxuuna ii sheegay inuu daraasadeeyay dastuurka waddamo badan (sida South Africa, Nigeria, U.S., Switzerland, etc) oo ku dhaqma nidaamka Federaalka ay kulligood leeyihiin xquuqo iyo awoodo isu dheelli tiran oo si siman u sugaya xuquuqaha degmooyinka, gobollada, maamul goboleedyada, iyo dawladda dhexe uu midba midka kale ku leeyahay. Wuxuuna ii sheegay in dastuurka Soomaaliyana uu sidaas oo kale u qeexi doono xuquuqaha degmooyinka iyo goballada maamul goboleedku ku yeelan doonan maamul goboleedka iyo dawaldda dhexe labadaba.

Taa macnaheedu waxa weeye in tallaabooyinka u banaan in maamul goboleedku ka qaado dawladda dhexe, ay u banaan yihiin degmooyinka iyo gobollada maamul goboleedku ay ka qaadi karaan maamul goboleedkooda.

Taa oo qura baa maamullada dalka ka jira oo dhan ku kala bed-baadi karaan, waayo mid waliba wuxuu iska ilaalin doonaa inuu ku xadgudbo xuquuqda midka kale si aan isagan loogu xad gudbin una ilaashan karo xuquuqdiisa.

W/Q: Axmed Bashir
bashir1631@gmail.com

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid