Maxa ka jira inuu xildhibaan Dhakool raali gelin ka bixiyey diidmadii xuska 18-May?

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa xukuumada Muuse Biixi u xiran mudo ka badan hal bil.

Xildhibaan Dhakool ayey xukuumadu xabsiga u taxaabtay kadib markii uu si adag uga horyimid xuska 18-ka May ee markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay gooni uga goosatay Dalka Soomaaliya.

Beesha uu ka soo jeedo Xildhibaanku ayaa ka hadlay xariga ay xukuumada kula kacday Dhakool, iyaga oo xuseyna in 18-ka May aysan aheyn maalin madow.

Wasiirkii hore ee Cadaalada Somaliland, Axmed Xasan Cali Casoowe oo ay isku deegaan yihiin Xildhibaan Dhakool, kana mid ahaa xubnaha Beeshiisa ee ka hadlay xarigiisa, ayaa waxa uu sheegay in beeshu ay ka raali-gelinayso bulshada hadalkii Dhakool, wuxuuna yiri

“Shacabka Somaliland ayaanu ka mid nahay waxaanan cadaynaynaa inaanay 18-ka May ahayn maalin madow balse ay tahay maalin ay isku yimaadeen dadka reer Somaliland oo ay wada dhisteen dawlada, qiime weyna ku leh shacabka Somaliland”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanan beesha afkeeda ku bixinaynaa inaanay 18-ka May munaasib ku ahayn maalin madow ee ay tahay maalin ay umadu nabadeedii saxatay. Hadalkii ka soo baxay Xildhibaanka waanu ka raali gelinaynaa shacabka Somaliland anaguna Xildhibaanka waanu is aragnay sidaas ayaanan u soo gudbinaynaa shacabka”.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in xildhibaan Dhakool uu ka laabtay diidmadii uu uga hor-yimid xuskaasi, uuna go’aansaday inuu raali-gelin ka siiyo hadalkiisa bulshada reer Somaliland.

Dhakool ayaa raali-gelintiisan ku lifaaqay dalab uu ku rabo inuu xoriyadiisa dib ugu helo, oo ilaa hadda xukuumada Muuse Biixi ka cago jiideyso.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com