BIIXI oo ka hadlay xariga ay xukuumadiisu kula kacdo siyaasiyiinta mucaaridka

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay xariga ay xukuumadiisu kula kacdo Siyaasiyiinta reer Somaliland.

Xariga ay Somaliland u geysato Siyaasiyiinta ayaa sarre u kacay mudada uu xilka hayo Madaxweyne Muuse Biixi, taasi oo xabsiga ku gurtay siyaasiyiin badan oo mucaarid ku ah xukuumada.

Madaxweyne Biixi oo maanta warbaahintu wax ka weydiisay xariga Siyaasiga ah ee xukuumadiisu u geysato Mas’uuliyiinta ka soo hor-jeeda, ayaa waxa uu sheegay inay yihiin dambilayaal Somaliland ka galay dambi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in xabsiga loo taxaabayo Shaqsi kasta oo ku gafa qaranka Somaliland, mansabka uu doono ha hayste, wuxuuna yiri

“Xarig siyaasiya maaha, xarigii danbiilaha badanaya, dambiilahana waa la xidhayaa, ninkii dambi gala ha odhanin waa siyaasi, Siyaasiga dambi gali kara, dhakhtarka gali kara, adigoo wariya gali kara, baayac-mushtarka gali kara, dambiilaha waa la qabanayaa, si dalku hore ugu socdo”.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com