Saciid Deni: Shirkii Garoowe ma burbureyn haddii DF aysan ku adkeysan laba arrin

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta khudbad u jeediyay kal-fadhiga 44-aad ee golaha wakiilada Puntland, ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay waxqabadkii xukuumaddiisa mudada ay shaqeynaysay.

Madaxweynaha ayaa sheegay, in xukuumaddiisu ay dardar-gelin ku samaysay dhinacyada amniga, siyaasadda, maamul-daadejinta, la’daallanka argagixisada, dib u-habaynta ciidamada, hagaajinta hannaanka caddaalada, horumarinta dhaqaalaha & maal-geshiga, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, tayaynta hay’adaha dowladda, hirgelinta adeegyada aas’aasiga ah iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Mudane Deni, ayaa dhinaca kale khudbaddiisa ku soo qaaday, shirkii madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyadu ku yeesheen magaalada Garoowe ee fashilka ku dhammaaday, isagoo sheegay in laga baaqsan karay burburka ku yimid shirkaasi, haddii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka tanaasul lahayd, maroorsiga iyo isku keli-yeelidda talada dalka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu xusay in Puntland mar walba diyaar u tahay, in heshiis laga gaaro khilaafka kala dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo helo wadajir iyo wada-shaqeyn looga gudbo caqabadaha taagan, maadaama sida uu sheegay dadka Soomaaliyeed aysan u baahneyn tafaraaruq, niyad-jeb iyo awood-maroorsi.

Halkan ka daawo khudbaddiisa oo dhan