Dooni ku dagtay Xeebaha Puntland iyo ganacsto ku hanti beeshay

Garowe (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarato deeganka Bander-beyla ee gobalka Karkaar ayaa sheegaya in dooni u rarneed ganacsato Soomaali ah ay ku degtay halkaasm karii ay ku kaceen dabeelo xooggan oo roobab wata.

Doonida ayaa la sheegay in ay ku soo keeday dekedda Magaalada Muqdisho,

Agaasimaha waaxda dowladaha hoose ee wasaarada arimaha gudaha maamulka Puntland Jaamac Xasan Xuseen hadda ku sugan deeganka Bandar-beyla ayaa saxaafadda u sheegay in dooni siday agab u badan bagaash ay ku degtay xeebaha bari ee deegannada Puntland.

Wuxuu sheegay in la soo arkay qaar ka mid ah alaabtii saarnaa doonta oo badda ay soo carisay, laakin doonida iyo shaqaalaha la socday in aan la ogayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Dadka deeganka ayaa sheegay in ay arkeen qalab badan oo la sheegay in ay ahaayeen kuwii saarnaa doonida degtay.

Waxa goobta soo gaaray ciidamada gurmadka iyo shaqaale kuwaasoo baadi goob u galay doonida degtay.

Maamulka Puntland ayaa amray in la soo badbaadiyo doonida iyo shaqaalaha oo illaa hadda aan la hogeyn sida ay xaaladooda tahay.

Si kastaba, dabeelo xooggan ayaa ka bilowday xeebaha bari ee waddanka Soomaaliya, kuwaasoo horrey looga digay.

Illaa hadda khasaaro baaxad leh oo ay geesteen dableelaha rooababka wata lama soo sheegin.

Meelaha la sheegay in ay ku dhufan doonto dabeelaha wax aka mid ah mid ah degmada Caluula iyo tuulooyinka u dhow.

Duufaantan oo ku socota xawaare u dhaxeeya 30-ilaa 40 mile ayaa la saadaalinayaa in marka ay dhulka soo gaarto uu xowligeedu is dhimo oo uu noqdo 18 mile.

Sannadkii 2004-tii ayaa meelo badan oo xeebaha bariga Soomaaliya waxa ku dhuftay Sunaami xooggan , waxana uu geestay waxyeelo xooggan oo dad iyo duunyo ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garowe