Doonyo iyo Kaluumeysatadii saarnaa oo lagu la’yahay Xeebaha magaalada Muqdisho + Tirada

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa xeebaha magaalada Muqdisho lagu la’ yahay Doonyo ay la socdeen kaluumeysato dhowr ah oo ka howlgali jiray Xeebta liido ee magaalada Muqdisho.

Kaluumeysatada Xeebaha ayaa shaqo joojin sameeyay, kadib markii Xeebaha ay ka dhaceen dabeylo xoogan oo sababay inay degaan ilaa Seddex doon oo xiligaa ku howlanaa Kaluumeysi.

Doonyaha degay ee la la’ yahay ayaa sababay geerida 9 ruux oo ilaa iyo hadda aan lagu heyn nolol, waxaana sidoo kale jira Kuluumeysato laga soo badbaadiyay badda.

Mid kamid ah Kaluumeysatada oo magaciisa lagu sheegay C/qaadir Xundubey, ayaa sheegay in weli la la’ yahay Seddexda Doon iyo Sagaalka ruux, waxa uuna deyr ka muujiyay shaqooyinkooda kaluumeysi.

Waxa uu sheegay inaysan garankarin meel kale oo ay u shaqo tagaan sidaa aawgeed ay xiliyada qaar isku dayaan inay ka faa’iideystaan badda subaxyadii hore.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili todobaadyadii ugu dambeeyay xeebaha Muqdisho ay ka dhacayeen dabeylo fara badan, waxaana ay saameyn ku yeesheen dad badan oo Kalluumeysato ay u badan yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com