Boorsaani oo ka sheekeeyay xanuunka uu leeyahay xil ka qaadis aanan laguugu wargalin

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay Gudoomiyihii gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.

Boorsaani ayaa sheegay in dowlad waliba markii la dhiso ay isha un ku heyso maamulka Gobolka Banaadir maadaama uu Gobolku yahay halka laga maamulo dalka.

Boorsaani oo u waramaayay Idaacada GJ ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay muhiim tahay in aan lagu deg degin xilka ka qaadista Madaxda xilka heysa.

Boorsaani, waxa uu sheegay in xil ka qaadista ay tahay mid sahlan balse ay ka dhalaneyso caqabadooyin badan oo isbarbaryaac dhanka maamulka ah.

Boorsaani, waxa uu tilmaamay in qof waliba uu garankaro Guddoomiye xilka hayay muddo 9 Bil hadana laga qaaday xilka uu hayay waxa uu sameynkaro ama qabankaro mudadaasi inaanu aheyn wax noqonkara guul.

Waxaa uu sheegay in Taabid uu xilka haayay muddo ka yar 9 Bilood, sidaasi darteed aan lagu eedeyn karin waxqabad xumo , maadaama aan la siin waqti ku filan, taasina ay keenikarto howlxumo.

Waxaa uu sidoo kale xusay in xilka qaadista deg dega ah ee Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir in ay keenikarto dib u dhac Siyaasadeed, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Guddoomiye waliba uu iska dhaadhicinkaro waxbadsi maadaama ay yaraaneyso wakhtiga uu xilka heynaayo.

Isagoo ka hadlaayay waxqabadka uu sameynkaro Taabid mudada uu xilka hayay ayuu yiri ‘’Goormuu shaqada baranayey marka laga yaabo inuu bulshadii fahmo inuu shaqadii fahmay waxaa laga yaabaa inay bahashu ku timid, xilka noocaas ah waxaa dhaama xil la’aan, aniga laftigeyga waxaan joogay Sanad iyo Shan bilood cimri dheer hadda ma joogin waxaa ii degsanaa qorshe sanadeed waa ii qeybsanaa fadhiisinta shaqada iyo shaqaalaha’’

Boorsaani, waxa uu sheegay in musiibada heysata Gobolka Banaadir ay koow ka tahay Isbedelka degdega ama is xigxiga ee lagu sameynaayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee markaas magacaaban, waxa uuna cawaaqib xumada laga dhaxlana sheegay inay dusha saran doonto dowlada jirta.

Waxa uu sheegay in isbedelada degdega ah uu ka dhalankaro xasilooni daro siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale xumo oo joogta u noqonkarta Gobolka Banaadir, waa haddii aan laga joogin isbedelka joogtada ah.

Sidoo kale, Boorsaani ayaa sheegay in maqaamka Muqdisho la doonaayo in ay ka tashaddaan Shacabka iyo Siyaasiyiinta gobolka Banaadir, waxa uuna tilmaamay in Maqaamka uu yahay qodob Dastuuri ah, balse laga wadatashto qaabka loo gaari lahaa hirgalinta maqaamkaas.

Haddalka Boorsaani ayaa kusoo beegmaaya xili Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu si lama filaan ah xilka uga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Taabit oo lagu eedeeyay inuu waday qorsho lid ku ahaa Xukuumada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com