Madaxweyne Farmaajo oo kala dhantaalay mansabkii Dhuusamareeb

Muqdisho (Caasimadda Online): Madaxweyne Farmaajo wuxuu Cadaado ka dhigay Xarunta Baarlamaanka Gal-Mudug ,la Yaab ma’ahan inuu sidaas sameeyo laakiin ilaa meeqo sano ayey ahaan doontaa Xarunta Baarlamaanka Gal-Mudug ?, madaxweyne Farmaajo taas ma sheegin.

Halsano ayaa u harsan Xaaf, Sidoo kale Shaakir oo wasiirka koowaad ee Gal-Mudug lagga dhigay wuxuu xilkiisu jiri doonaa isna halsano, hadaba Cadaado halsano ka badan miyuu Baarlamanku daganaan doonaa ?, taas wali lagama heshiin ,sidda ay Gal-Mudug u noolan doontana dad gaar ah go’aan kama gaari karaan.

Hadii ay doorashadda xigta ee Gal-Mudug ka dhici doonto Cadaado, oo ay noqon doonto meesha laga so doorto xildhibaanada Baarlamanka Somalia ku matala reer Gal-Mudug iyo waliba kuwa Aqalka sare iyo goobta laga kar kariyo mooshinadda iyo ansixinta xeerarka Gal-Mudug, waxaan qabaa Dhuusamareeb Caasimad ma’ahan ee waxey tahay hanoo sheegto, mise Gal-Mudug waxey yeelatay labbo caasimadood maanta ?.

Waxaa kaloo is weydiinleh wax dheefka ,dhaq dhaqaaqa iyo aayaha Gal-Mudug ma wuxuu noqday mid ay Cadaado iyo Dhuusamareeb ku dagalman oo midba maalin carooto tiiyo ay yihiin magaalooyin ay midba qoys gaar ah dagan yahay ? ,su’aashan waxaa jawaabteeda leh dagmooyinka Caabudwaaq ,Ceelbuur iyo Ceeldheer, hadii aan lagu wadda intifaaci karin Gal-Mudug waa in degmooyin badan ay xubinimadooda ka fakaraan iyo sidda uu magacu kusii jiri karo.

Maanta madaxweyne Farmaajo wuxuu tuuray waran halsano kadib xal u baahan doonna, waxaa kaloo uu isku furay dariiq ah iney magaalo walba oo Gal-Mudug ka tirsan maalin gooni u carooto wax gaar ahna laggu sababo.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
Raafac22@gmail.com