Faahfaahin Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

Muqdisho-(Caasimadda Online)-wararka ka imaanaya deegaanka KM 13 ee duleedka magaaladda muqdisho ayaa sheegaya in lala eegtay ciidamo katirsan kuwa dowladda soomaaliya oo halkaas marayay.

qaraxa oo nuuciisua ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso kaas oo lala beegsaday gaari aysaarnaayeen ciidamada dowladda.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Caasimaada Online u xaqiijiyeen in qaraxaas ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 5 Askari oo ka mid ahaa Ciidamadii qaraxa lala eegtay waxaana sidookale jira khasaare dhaawac ah oo soo gaaray dad Rayid ah oo goobta marayay.

Ciidamadda ayaa rasaas oodakaqaaday Qaraxa kadib in kastoo aan la ogeyn khasaaraha ay ugeysatay rasaastaas dadka rayidka ah.

waxaa caadi kusoolaabtay  isko socodka dadka iyo Gaadiidka oo hakad galay  markii uu qaraxa ka dhacay Deegaanka KM13 .

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com