Doorashada 16 kursi oo ka mid ah GOLAHA SHACABKA BF oo la hakiyey + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Guddoonka sare ee doorashada Somaliland oo uu ku saxiixna Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa lagu hakiyay kuraasta 16-ka ah ee ay shaaciyeen Guddiga doorashada gobolada Waqooyi (Somaliland).

Waxaa lagu sheegay ujeedka loo hakinayo kuraastaas inay tahay hubinta habsami u socodka doorashada iyo sugnaanta doorasho ku dhacda si xor iyo xalaal ah oo daah-furan, waafaqsana habraacyada doorashada ee lagu heshiiyey.

“Waxaa lagu wargelinayaa Guddiga hir-gelinta doorashooyinka dadban ee goboladda waqooyi (SEIT) iyo guddiga hir-gelinta doorashooyinka ee heer federaal (FEIT) in la joojiyo gebi ahaanba faafinta kuraasta 16-ka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi in la xaqiijinayo cuqaasha, qoondada haweenka iyo hufnaanta doorashada.

Hakinta ayaa socon doonta illaa inta laga hubinayo hanaanka doorashada iyo habsami u socodkeeda, sida lagu sheegay qoraalka.

Warkan ayaa imanaya xili uu dhawaan guddiga doorashooyinka ee heer federaal uu shaaciyey in la laalay habraacii ay kal hore ku heshiiyeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ee lagu hagayey doorashooyinka kuraasta Somaliland.

Guddiga ayaa sheegay in habraaca keliya ee Guddiga doorashada Somaliland ku shaqeyn karaan xiligaan uu yahay midkii kasoo baxay Golaha Shacabka oo keliya.

“Waxaa kale oo cadaynaynaa in habraac ay soo diyaariyeen masuuliyiin ka tirsan gollaha baarlamaanka oo ka soo jeeda Soomaliland aan lagu dhaqmi karin, guddiga doorashada Soomaaliland wuxuu ku shaqaynayaa habraaca Golaha Wadatashiga Qaran, waxa keliya oo gaar u ah in ay yihiin ergo wadaag,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada ee heer federaal.

Hoos ka aqriso warqadda Cabdi Xaashi kasoo baxday

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii