Dacwad ka dhan ah wasiir Khadiija oo loo gudbiyey Rooble kadib ‘arrin yaab leh oo ay ka sameysay’ wasaarada

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Masiibooyinka Soomaaliya ayaa wasiirka Wasaaradaas Khadiija Maxamed Diiriye ku eedeeyey inay boosaskoodii ku bedeshay dad ay ku sheegeen “ergadii u dooran lahayd in ay mar kale ka mid noqoto Golaha Shacabka.”

Shaqaalaha ayaa dacwad ka dhan ah wasiir Khadiija u gudbiyey xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda, Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka, Hanti Dhowrka guud iyo xafiiska xeer ilaalinta Qaran, waxaana sidoo kale la ogeysiiyey wasiir ku xigeenka Wasaradda Gargaarka.

“Waxaan si xushmad leh halkaan idinkugu soo gudbineynaa annaga oo ah shaqaale ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka kana shaqeenayey muddo afar sano ah islamarkaana naftooda iyo waqtigooda u huray u adeegidda dalka iyo dadka Soomaaliyeed, in badana ugu soo dulqaadanayey duruufo amni iyo mid dhaqaale anagoo gudaneyna waajibaadkeena shaqo ayaa waxaa xadgudub nagula kacay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka,” ayaa lagu yiri warqadda dacwadda ah ee loo gudbiyey xafiiska aan kor kusoo sheegnay.

Sidoo kale, dacwadda laga gudbiyey wasiir Khadiija ayaa lagu yiri “Shaqaalaha Wasaaradda iyo shaqaaleysiintooda waxaa markii hore loo maray si waafaqsan sharciga shaqaalaha iyo dastuurka dalka iyagoo kusoo baxay imtixaan hab daah-furnaan ah kaasoo muuqaaladiisa laga heli karo baraa bulshada.”

Shaqaalaha dacwadda ka gudbiyey Wasiir Khadiija ayaa waxay kasoo jeedaan deegaanada maamulka Puntland

Wasiir Khadiija weli kama jawaabin eedeynta loo jeediyey oo kusoo aadeysa xilli ay isku diyaarineyso tartanka kursiga Golaha Shacabka oo ay ku fadhisay muddo 20 sano ah.

Halkaan hoose ka akhriso dacwadda laga gudbiyey