Booliska Soomaaliya oo shaaciyey xogta dilkii arxan-darada ahaa ee labada caruur

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa faah-faahin ka bixiyay dilka argagax leh oo loo geystay labo caruur walaalo, kaasi oo ka dhacday xaafadda Jaamacadda Shabeelle oo ka tirsan deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho

Afhayeenka ayaa shaaciyey inay soo xireen Ninka qabay hooyada dhashay caruurta la dilay iyo iyadaba, kuwaasi oo hadda lagu hayo xarunta dembi baarista ee CID-da.

Waxa uu sheegay in caruurta markii hore la daldalay kadibna afka caro looga shubay, ayada oo meydka labadaasi caruur laga dheehan karayey in si arxan daro ah loo dilay.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyntiina sheegay inay socdaan baaritaano la xiriira sida uu falkaasi ku dhacay, ayada oo eedeysanaha koowaad uu yahay Ninka qabay hooyada dhashay ciyaalkaas.

Labada caruurta ah midkood ayaa waxaa ka muuqday in xarig lagu sirqiyey, halka midka kale ilkaha ay ka daad-sanaayeen, taas oo ay ka argagaxeen dadka deegaanka iyo ehelladoodaba.

Habeen hore ayey aheyd markii dhacdo argagax leh ay ka dhacday degmada Xamarjajab, kadib markii nin mindi ku hubeysnaa uu dilay xaaskiisa oo aheyd hooyada 12 caruur ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii