Siyaasiyiinta iyo saxiixaha KURSIGA HOP#67 oo war cusub soo saaray (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Saxiixaha iyo Musharaxiinta kursiga HOP#067 ayaa si adag uga horyimid muddo kordhinta uu guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ku sameeyay baaristii ay ku wadeen dacwadii ay u gudbiyeen.

Soo dhameystirka dacwada laga keenaya kursiga uu Guddiga doorashada ee Galmudug shaaciyey inuu ku guuleystay Yaasiin Farey ayaa waxay soo dhameystirmi doontaa muddo aan ka badneyn 10 maalmood oo ka bilaabanaysa 05/12/2021-ka, sida uu sheegay guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

Saxiixaha iyo Musharaxiinta hore u gudbiyay dacwada ayaa sheegay inay u gudbiyeen guddiga cadeymo dhameystiran oo lagu go’aan qaadan karo, islamarkaana aysan aqbali doonin cadaalad.

Nabaddoon Cali Jeesto oo ah saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP#067 oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa wacad ku maray in sharci darro aan looga qaadi doonin kursigaas, oo laga leexday habraaciisa.

“Waxa la diidan yahay waa sharci daro, ma aha in la diidan yahay nin mas’uuliyad soo qabtay ee waxa la diidan yahay waa sharci darro, habraaca qoran xildhibaankuna habraaca ayuu ku imaan kara, waxaana habraaca laga bilaaba Nabaddoonka uu kursiga ku astaysan yahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ay ka sugayaan in dib loogu soo celiyo kursiga laga dhacay, sida uu hadalka u dhigay.

Musharaxiinta iyo Xildhibaanka kursigaas ayaa ku baaqay in lagu soo laabto xeyndaabka cadaalada iyo doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo, si loogu kalsoonaan karo doorashada socota.

“Umadda Soomaaliyeed waa ka dharagsan tahay cadeymaha soo gudbinay. Mas’uuliyada guud ee doorashada waxay saaran tahay Ra’iisul Wasaaraha oo aan ka sugayno cadaalada.”

Waxay intaas kusii dareen in dhanka kale ee ku haysta kursiga aysan hayn cadeymo uu guddiga sii sugo, islamarkaana ay u wada gudbiyeen cadeymihii iyo Nabaddoonka saxda ah ee kursigaas saxiixaheeda leh.

Kursiga HOP#067 ayaa waxaa hore ugu soo baxay sida uu shaaciyey Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey, kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii