Isimada PUNTLAND oo 5 qodob ku kala saaray Saciid Deni iyo Jeneraal Diyaano

Boosaaso (Caasimada Online) – Isimada Puntland ayaa soo saaray qoraal ay ku soo bandhigeen xalka xiisadii ka taagneyd magaalada Boosaaso ee u dhaxaysay sarkaalka hoggaamiya ciidanka PSF-ta Puntland ee Jeneraal Maxamuud Cusmaan Diyaano iyo xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni.

Qoraalka ka soo baxay Isimada Puntland oo gaaraya ilaa lix xubnood ayaa lagu socodsiiyey Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdulahi Deni iyo  Agaasimihii hore ee ciidanka PSF Jeneraal Maxamuud Cusmaan Diyaano, waxaana lagu soo bandhigay shan qodob oo Isimadu ay doonayaan in lagu xaliyo xiisadda.

Qoraalka ka soo baxay Isimada Puntland waxaa lagu yiri, “Kulamo badan oo aan la yeelanay Golaha xukuumada, taliyayaasha ciidamada qalabka sida iyo Agaasime Jeneraal Maxamuud Cismaan Cabdullaahi, kulamadaas kadib waxay Isimadu gudoomiyeen qodobadaan hoos ku qoran:”

1– Waa in ay dhaqan gashaa Degreetadii madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Siciid Cabdulaahi Deni, kuna taariikhaysnayd 24 November 2021, ujeedadenu ahayd xilka qaadista lagu sameeyey Agaasime General Maxamud Cismaan Cabdulaahi oo ahaa Agaasimaha PSF, laguna magacaabay Sareeye Guuto Maxamed Amin Cabdulaaht Xaaji Kheyr.

2– Waxay kaloo gudoomiyeen guryaha, Hubka iyo Gaadiidka waxaa iska leh mulkiyadooda Agaasime General Maxamud Cismaan Cabdullaahi.

3– Waxay gudoomiyeen xuquuqdii ka maqnayd ciidamada PSF mudo 13 bilood ah in ay bixiso Dowlada Puntland.

4– Waxay gudoomiyeen maadaama General Maxamud Cismaan Cabdullahi uu u soo halgamay difaaca Puntland in ay dowladu bixiso kharashka agaasimihii hore ilaaladiisa gaarka ah.

5– Waxaan faraynaa shacabka reer Puntland, gaar ahaan shacabka Boosaaso inay kawada shaqeeyaan ammaanka iyo xasiloonida magaalada, sidoo kale waxaan umadsa Soomaliyeed u rajaynaynaa Nabad waarta.

Shantaas qodob ayey soo saareen Isimada Puntland oo gartaan ku jiray intii u dhaxeysay 27-kii bishii hore ilaa 7-da bishaan ee Talaadadii maanta, waxaana la ogeyn sida ay dhinacyada uga dhaqan geli doonaan qodobadaan.

Isimada lixda ah ee warqadaan ku saxiixan ayaa kala ah:

1– Boqor Burhaan Boqor Muuse
2– Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin
3– Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax
4– Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin
5– Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil
6– Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad