Muranka ka taagan kuraasta golaha shacabka oo kordhay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si weyn isku soo taraya tan iyo markii ay dalka ka bilaabatay doorashada Golaha Shacabka cabashada ay muujinayaan Waxgaradaka Beelaha iyo Musharaxiinta, kuwaas oo ka biyo diidan qaabka ay u socoto doorashada.

Musharaxiin dhowr ah ayaa laga hor istaagay inay isku soo tagaan kuraastooda, halka Odayaal iyo Nabaddoono kalena loo diiday inay qeyb ka noqdaan kursi ay saxiixooda qeyb ka yihiin.

Waxaa jiray cabashooyin laga muujinayay tartanka kuraasta qaar, iyadoo kuraastii ugu horreeyay ee gobollada Waqooyi ay musharrixiinta qaarkood sheegeen in ergo kale la keenay hoolka lagu tartamayay ee ay doorashadu ka socotay.

Cabashooyinka qaarkood oo loo gudbiyey guddiga xalinta khilaafaadka ayaa illaa hadda go’aan laga gaarin, halka kuwa kalena la fahamsan yahay in si qoto dheer aan loo baarin, midaasi oo mugdi sii galineysa hanaanka cadaaladeed ee dalka.

Haddaba, Maxaa sababay cabashada isa-soo tareysa ee doorashada Golaha Shacabka?

Xildhibaan Cabdullaahi Raage Xuseen oo kamid ah Xildhibaanadii baarlamaankii 8-aad ayaa sheegay in doorashadu ay ku bilaabatay hanaan ka gedisan midkii hore loogu heshiiyay, taasina ay hormuud u tahay cabashada iyo kalsooni darada kasoo yeeraysa doorashada.

Waxa uu dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeyay inay ka gaabisay habsami u-socodka doorashooyinka dalka, oo dhowr jeer oo hore dib u dhac uu ku yimid.

Waxa uu  intaas kusii daray in cabashooyinka iyo walaaca doorashada ee isa-soo taraya laga baaqsan karayay, haddii sidii lagu heshiiyey ay ku bilaaban lahaayeen doorashooyinka.

Sidoo kale waxa uu eedeynta qalooca ku yimid doorashada dusha ka saaray madaxda maamul goboleedyada, xilli doorashooyinka dalka lagu tilmaamay kuwo ku dhisan boob iyo wax is-daba marin.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa waxaa dul hoganaya mugdi badan oo ku gadaaman sida loo doortay kuraasta, kuwaasi oo qaarkood laga hor istaagay beelihii xaqa u laha, halka musharaxiinta qaarkood loo diiday inay isa-soo sharaxaan.

Cabashooyinka doorashada ayaa horseed u noqday in kuraasta qaarkood dib loogu celiyo, ayada oo la fahamsan yahay inaysan wax weyn ka bedeli doonin marka loo eego kuwa lamid ah oo hore loo doortay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii