Doorashada 2016 oo weerar uu ka jiro iyo xildhibaano sheegay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle oo loo yaqaan xildhibaan Ruush ayaa ka hadlay doorashada sanadkaan la filayo iney ka dhacdo dalka Soomaaliya iyo raja xumada ay muujiyeen  qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashada sanadkaan ay dhacdaa bisha September, wuxuuna sheegay inuu ka aragti duwan yahay xildhibanada kale ee rajo xumada muujinaya.

“Warar badan ayaa la isla dhex marayaa, laakiin aragtideyda ma qabo in wax yar mooyaane bilo sidaa u sii xooggan aaney dib u dhacayn, waxaan u maleeynayaa doorashada haddii August ay dhici weyso in September ayna dhaafi doonin ayaan u maleynayaa”ayuu yiri.

“Waayo? Dastuurka wuxuu qoraayaa in 20 August baarlamaanka ku egyahay, in kasta oo uu jiray qodob  baarlamaanku u fasaxay, dadkuna u fasirtay inuu wakhti kororsi sameystay, laakiin aragtidayda doorashada waxaan qabaa inaaney ka dib dhici doonin bisha September”.ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaanka.

“Inkastoo madashu ay wixii la wareegtay oo ay qorshihii ay dajiyeen maalmo badan kasoo wareegtay, wixii la qaban lahaana ay dib u dheceen, September wax waa la qaban karaa, si kale haddii loo dhigo wixii ay madashu isku raaceen waxbay ka bedali karaan ama qaab kale ayay u farsameyn karaa, laakiin maladayda uma maleynaayo in September ay dib uga dhacayso”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xildhibaano badan oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa rajo xumo ka muujiyay in doorashada sanadkaan aysan dhicin, islamarkaana ay suuro gal tahay in muddo kororsi la sameeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com